4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2012
Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Bermingham oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaaddii ku dhuftay Baladweyne


Sabti, Oktoober, 06, 2012 (HOL) – Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, ayaa waxaa deeq soo gaarsiiyay dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaada Jaaliyada Bermingham ee dalka Britian.

 

Xassan Cismaan Xuuriye oo lagu soo hagaajiyay deeqda ayaa sheegay in lacag dhan $ 3000 oo doolar ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Hiiraan ee Bermingham, halka sidoo kale lacag dhan $ 2000 oo doolar ay ugu deeqeen dadka dhibaatadu saameysay gabdhaha Jaaliyada Bermingham ee UK, taasoo ay ka faa’ideysteen sida uu sheegay boqolaal qoys.

 

‘’ Marka hore waxaa sameynay qiimeyn ku saleysan baahida dadku ay qabaan, waxaan ogaanay in dadku heleen noocyada raashinka sida bur, bariis, sokor iyo xitaan bacaha roobka laga galo, sidaa daraadeed waxaa noo soo baxday in aan lacag ugu badalo si markaa ay u daboosho baahiyaha kale oo ay dadku qabaan,’’ ayuu yiri,’’ Xassan Cismaan Xuuriye oo deeqdan gaarsiiyay dadka barakacayasha ah.

 

Gargaarka ayaa la gaarsiiyay dhamaan goobaha ay ku barakaceen qoysaska sida daafaha magaalada iyo qeybo ka mid ah gudaha magaalada Baladweyne,oo ay inta badan ku barakaceen dadkii ay saameynta ku yeelatay Fatahaada, kuwaasoo sheegay in ay siweyn ugu baahaayeen deeqda lacageed ee soo gaartay.

 

"Cid kasta oo aan is leenahay waa ay u baahan tahay deeqda waan gaarsiinay, walina waa ay taagan tahay baahida ay dadku qabaan, waayo intooda badan waxaa ka qaaday biyaha agab wixii ay isticmaalayeen meel cidla ah ayeey fadhiyaan," ayuu yiri,'' Xassan Cismaan Xuuriye.

 

Fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saameyn adag ku yeelatay nolasha kumanaan qoysas ah, kuwaasoo waqtiga ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolasha, maadaama biyuhu ay ka baabi’iyeen guryihiin ay daganaayeen, islamarkaana ay ka qaadeen wixii agab ahaa oo ay isticmaalayeen.

 

Dadka Fatahaada ku dhintay ayaa la leeyahay waxaa ay kor u sii dhaafayaan 30 ruux oo intooda badan ah haween iyo caruur ay dul mareen xili habeen ah biyaha ka soo rogmaday wabiga.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya