4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2012
Ciidamada Somalia ee ku sugan Kismaayo oo toogasho ku dilay kooxo bam gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidamadu deggen yihiin
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku suganm Kismaayo ayaa shalay gallinkii dambe toogasho ku dilay laba ruux oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kooxo bambooyinka gacanta ku weeraray saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin bartamaha magaaladaas.

Afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Rufle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ay isku dayeen qaraxa kaddib inay ciidamada la dagaalamaan, ciidamaduna ay fuliyeen waajibkooda ayna toogteen.

"Labada qof ee la dilay waxay ka mid ahaayeen koox bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Kismaayo, waana la toogtay markii ay isku dayeen inay bastoolado ku dagaalamaan," ayuu yiri Col. Rufle.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamadu ay qabteen intii kale oo aanu sheegin tiro ahaan, isagoo intaas ku daray in ciidamada dowladdu ay u taagan yihiin inay ka hortagaan cid walba oo wax u dhimaysa ammaanka.

Afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay ciidamada dowladda bambkii lagu weeraray, iyadoo wararka madaxbannaan ee laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in ciidamada dowladdu ay shalay toogteen shan qof.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinkii ay Al-shabaab ka talinayeern muddo shan sano ka badan, kuwaasoo ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya