4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Maamulka Kismaayo oo Isugu yeeray Ganacatada ku Dhaqan Degmadaasi

Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) —Maamulka KMG ee Degmada Kismaayo ayaa maanta kulan ugu yeeray ganacsatada reer Kismaayo, iyadoona kulanka uu ka dhici doono xarunta degmada Kismaayo.

Mid kamid ah ganacsatada reer Kismaayo oo HOL qadka teleefonka ugu waramay ayaa sheegay in maanta lagu wargeliyay in ay kasoo qeybgalaan kulan ka dhici doona xarunta degmada Kismaayo, salaadda duhur kadib.

Mar aan weydinnay waxyaalaha kulanka looga hadli doono ayuu sheegay in ilaa imika aan loo sheegin mawduuca kulanka looga hadli doono balse lagu wargeliyay oo qura inay soo xaadiraan.

“Shirka waxa la filayaa in salaadda duhur kadib uu furmo, waxaana lagu casuumay ganacsatada kuwa yar yar iyo kuwa waaweynba,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Ilaa imika lama garanayo waxyaalaha kulanka looga hadli doono, haseyeeshee waxa loo maleynayaa in kulankani diirada lagu saari doono arimo la xiriira wadashaqeyn dhexmarta maamulka cusub iyo ganacsatada reer Kismaayo iyo weliba arimo ku saabsan dhoofinta dhuxusha oo maalmihii u danbeeyay uu muran ka taagnaa.

Qaar kamid ah ganacsatada reer Kismaayo oo wabaahinta la hadlay ayaa cabasho ka muujiyay dhuxusha la mamnuucay, waxayna ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay fasaxdo in la daabulo dhuxusha karooran gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo.

Kulanka maanta ka furmi doona xarunta degmada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dhexmara ganacsatada reer Kismaayo iyo maamulka KMG tan iyo intii ciidamada huwanta ah ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya