4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo gubey lacago badan oo been abuur ah

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

Lacagtan oo isla maanta lagu gubey banaanka hore ee xafiiska maamulka gobolka Mudug ayaa qayb kamid ah waxaa qabtay laanta bankiga Puntland ee Gaalkacayo, waxayna tiradeedu ahayd 9,500,000 Sh.so ( sagaal milyan iyo shan boqol oo kun).

Halka lacagta Dollarka ah oo iyadu aad u tira badneyd, wadarteeduna ahayd $135,000 (Boqol iyo sodon iyo shan kun ) ay ciidamada Boolisku gacanta kusoo dhigeen, kahor intii aan suuqa lagu fasixin.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Puntland, Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo war-fidiyeenada goobtii lacagtan lagu soo bandhigay kula hadlay, ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, si aan lacagaha noocan ah loogu khaldin.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in dowladdu ay dadaal dheeri ah ugu jirto sidii ay uga hortegi lahayd in suuqyada Puntland lacagaha noocan oo kale ah lasoo geliyo, maadaama ay dhaqaalaha saameyn weyn ku yeelan karaan.

Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland, Gaashaanle sare Muxiyadiin Axmed Muuse oo isna goobta ka hadlay ayaa mahad balaaran usoo jeediyey ciidamadii ku guuleystey in ay lacagtan soo qabtaan, isagoo tilmaamay in ay mudan yihiin in si fiican loo abaal mariyo.

Ma ahan markii ugu horeysey oo magaalada Gaalkacayo lagu arko lacag been abuur ah oo intan tiro le'eg, waxaase jirey marar badan oo ay suuqyada soo gashay inkasta oo ganacsatada iyo dowladda oo iskaashanayaa ku guuleysteen in ay ka saaraan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya