4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Hayadda HARO oo soo Gabagabeysay Barnaamij Hilbo qeybin ah oo ku Aaddan Ciidda oo ay ka fulirsay Muqdisho


Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

Kaamamka laga qaybiyay udxiyada ayaa waxaa ka mid ahaa xerooyinka Baadle, Asharaaf, Alla-Aaamin, Abaaleey iyo kaam ay ku jiraan dad Indhoolayaal ah, iyadoo howshan ay dusha ka eegayeen mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda HARO qaybteeda Soomaaliya; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Cabduqaadir Cabdiraxnamaan Khaliif, Bakar Xaaji Cumar iyo Cabdulaahi Shiikh Aadan Cabdulle.


 
Qoysaska masaakiinta ah ee loo qeybiyay udxiyada ayaa waxay tiradoodu ahayd 1500 oo qoys, waxaana loo qaybiyay hilbaha xoolo isugu jiray, geel, lo' iyo ari; iyadoo mas'uuliyiinta HARO ee goobjoogga ka ahaa qaybinta gargaarkan ayaa waxay dadka ku sheegeen in deeqdan ay soo dhiibeen walaalahooda ku nool waqooyiga Ameerika si ay ugu ciidaan walaalahooda ku nool Soomaaliya oo idinka ah.
 
Dadkii loo qaybiyay hilbaha ayaa uga mahad-celiyay dadkii soo dhiibey deeqaas udxiyada ah; iyagoo ugu duceeyay in mid ka khayr badan uu Alle ugu bedelo, iyagoo ka codsadeen hay'adda HARO inay halkaas kasii waddo taakuleynta dadka masaakiinta ah ee ku jira kaamamka ku yaalla Muqdisho.

Hayadda HARO oo xafiiskeeda ugu weyn uu ku yaallo dalka Mareykanka ayaa waxay si weyn uga dhex muuqatay hay'adaha caawinaya dadkii ay waxyeelleeyeen abaarihii ku dhuftay gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya