4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Kalfadhigii 29aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay [SAWIRRO]

 
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

 

Fadhigan oo ay soo  xaadireen 44 mudane waxaa ugu horeyn ajendeyaasha ugu waaweyn ee inta uu socdo lagu gorfeyn doono ka warbixiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

 

Wuxuuna sheegay in uu yahay sidii uu Baarlamaanku uga doodi lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2013, islamarkaana codka kalsoonida loogu qaadi lahaa xubno dhowr ah oo dhowaan lagu soo daray golaha xukuumadda.

 


Madaxweyne Faroole oo intaas kadib si rasmi ah kal-fadhiga u furay ayaa golaha hortiisa ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysey, waxaana waxyaabihii uu ka hadlay kamid ahaa: ammaanka, dhaqaalaha iyo arimo kale oo ay kamid tahay maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.

 

Dr. Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladda cusub ee uu dalku galay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Puntland ay la jaanqaado, wuxa uuna sidoo kale ka hadlay nidaamka axsaabta isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgelin doono.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa sanad walba kulma 2 jeer, waxaana  todobaadyo kahor usoo xirmay  fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu ahaa sidii loo soo dedejin lahaa hanaanka axsaabta.


 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya