4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Dadweynaha Somaliland oo tabaya doorkii ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku lahaayeen Toosinta Dowladda iyo Aragtidda Shacabka
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada  ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

Tan iyo intii xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo talada la wareegay waxa is dhimay doorkii ay xisbiyadda mucaaradku ku lahaayeen arrimaha siyaasadda, kuwaas oo sixi jiray ama sheegi jiray dal-dalooyinka maamul ee jira iyo hadba xukuumada jirtay inay wixii khalad ah ee ay samayso iyo wixii wanaagba ay sheegaan, maadama oo ay qaybo bulshadda ka mid ah wakiil ka yihiin.

Haseyeeshee,  xisbiyada mucaaradka ayaa ka gaabsaday sidii loogu bartay inay dhaliisha Xukumadda farta ku fiiqaan, waxaanay arrimahaasi keeneen in dadweynaha intoodda badan oo hadba jecel ka mucaaradka ah ay saluug weyn ka muujiyaan qaabka ay u shaqeeyaan xisbiyada mucaaradka ah.

“Dawladdi haddii xisbiyo mucaarad ah yeelan oo aanay ka baqayn waxay goosata xadhkaha, dabarka iyo seetada ku xidhan ee aanay dhaafin xukumadii waa xisbiyo mucaaradka ah, balse haddii la waayo waxay isku bedeli kalitaliye iyo nidaam adag oo aanay bulshaddu mahadin iyo hal xisbi oo shaqeeya”ayuu yidhi Mawliid Muxumed oo aaminsan in inuu tabayo doorkii xisbiyada mucaaradka ahi ku lahaayeen dawladda.

Halka dad kale oo badana aaminsan yihiin inay dawladdu wax badan qabatay, isla markaana aan loo baahnayn in la dhaliilo ama waxa ay ku dhaliilaan aanay oolin, taasina ay keentay inay xisbiyada mucaaradka ahi iska aamusaan.

Haseyeeshee, Inta badan xukuumadan xisbiga kulmiye ayaa lagu eedeeyey inay dhaliisha neceb tahay, taasina ay keentay inay xisbiyadii mucaaradka ahaa iyo qof kasta oo siyaasadeeda ka soo horjeedda ay soo jiidato, iskuna daydo in aanay wax kasta oo ay ku dhaqaaqdo mucaaradnimo kaga soo bixin, taasina ay imika u suurtogashay.

Haseyeeshee, Warbaahinta madax banaan oo inta badan wararka lidiga ku ah xukuumadda ka heli jiray xisbiyada mucaaradka ah ayaanay labadii sanadood waxbadan iska dhimeen oo ay waayeen cid ay soo xigtaan oo mucaarad ku ah xukuumadda, waxaana arrimahaasi lagu sheegaa inay dhawr arrimood sababtay sida uu tilmaamayo Maxamuud Jaamac Jawhar oo suxufiyiinta Somaliland ka mid ah.

“xukuumaddu markiiba waxa isku dayey sidii xisbiyada u kasban lahayd, waxaana markaa jiray laba xisbi mucaarad, (UDUB iyo UCID), UDUB xisbi sideed sanadood muxaafad ah buu ahaa oo wuu la qabsan kari waayey mucaaradnimadii marka isagu wuu iska aamusay, xisbiga UCID-na madaxweynaha ayaa ku daray guddidi wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo gudiddii nabadda ee reer buuhoodle la hadlayey, markaa arrimihii uu dhaliili lahaa ka mid buu noqday isagun sidaas buu ku aamusay”sidaas waxa ku dooday Maxamuud Jaamc Jawhar oo aragtiisa ku dhiibayey.

Dood kale ayaa iyana odhanaysa sababta xisbiyada mucaaradkii dhaliilihi xukuumadda u soo jeedin lahaa uga aamuseen inay tahay ururada siyaasadda ee lagu furay oo mid waliba ku mashquulay sidii ururkiisa ama xisbigiisa usoo bixi lahaa, taas oo xisbiyadii mucaaradka ah dhexdooda daad ku furmay, mid waliba dantiisa cuslaysay, maadaama oo ururo cusub oo siyaasada la furay ay dhexdooda tartan iyo is dacayadeed isku tuuray, iyagoo u kala baratamaya sidii mid walba u noqon lahaa saddexda xisbiga Qaran ee la rabo doorashada golaha deegaanka ka dib, waxaanay dad badani aaminsan yihiin in doorashadan ka dib saddexda xisbi ee soo baxaa ay xisbiyo mucaarad ahi ka soo dhex bixi doonaan, maadaama oo ay imika yihiin ku meel gaadh oo ay is dhawrayaan.

“xisbiyada waxa mashquuliyey ururada lagu furay oo kala kasbanaya dadweynihii, isla marakana is leh haddii aad xukuumadda wax ka sheegto bilow doorashadda laga badiyaa ama laga reebaa ilayn xukuumado way awoodo badan tahoo ka aanay doonayn ama ururka ay ka baqayso si hoose ayey u reebi kartaa, marka xisbiyada iyo ururadi mucaaradka ahaa cabsi baa ku jirta”sidaasna waxa ku dooday Maxamed Xaamud oo ka mid aqoonyahanka magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, labaddii sanadood ee u dambeeyey ayaa doorkii mucaaradnimo ee xisbiga mucaaradka ah laga bartay wax weyni iska dhimay, isla markaana aanay  wax dhaliil ah aanay u jeedin xukuuumadda, taasina waxay keentay in warbaahinta gaar ahaan Jaraa’idku doorkii xisbiyada mucaaradka qaataan oo wixi dhaliilo ah soo bandhiga, waxaanad arkaysaa aroorta hore dadweyne badan oo ku foorara goobaha jaraa’idka lagu iibiyo, si bal wixii jiray u ogaadaan.

Haseyeeshee, ololaha ururada dhexdooda ka jira ayaa keeni doonta xafiiltan siyaasadeed,kuwaas oo u baratamaya sidii ay u noqon lahaayeen saddexda xisbi ee ugu cod badan oo noqon doona sadexda xisbi qaran ee toban sanno ee soo socda shaqayn doona.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland