4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Hoggaamiyaha Raaskambooni oo sheegay in Gobollada Jubooyinka loo sameyn doono maamul ka yimaada dadka deegaanka

Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa si adag u sheegay in maamulka Jubbooyinka loo sameyn doono uu noqon doono mid ku saleysan qaab deegaan, wuxuuna aad u dhaliilay habka awood-qaybsiga ee ku saleysan beelaha, isagoo xusay inuusan ahayn mid cadaalad ku dhisan.

"Ujeedka ururkayga waa in dadka deegaanku ay iyagu soo doortaan mas'uulka ay doonayaan inuu hoggaamiyo, mana ogolaanayno in dad aan deegaanka u dhalan ay lug ku yeeshaan maamulka Jubbooyinka," ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo u warramayay BBC-da laateeda afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay in shirka ay IGAD waddo ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka uu meel wanaagsan marayo, dowladda Soomaaliyana ay ka tashadeen sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay inay ka go'an tahay in xiliyada soo socda ay la wareegaan deegaannada Jubbooyinka ee ku jira gacanta xoogagga Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin fara badan ka geysteen gobollada Jubbooyinka muddadii ay ka talinayeen.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka taagnaa tan iyo markii lagala wareegay Al-shabaab, iyadoo bartamihii bishan loo sameeyay maamul KMG ah oo ka kooban dowladda iyo ururka Raaskambooni, inkastoo ay weli ka dhacayaan degmadaas falal ammaan-darro oo ay ku jiraan qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya