Madaxda Dowladda oo hadallo ka jeediyay munaasabadda Ciidda oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO IYO COD)
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlmaanka, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadallo kooban ka jeediyey goobta, marka hore waxaa hadallo kooban jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hambalyo kaddib umadda Soomaaliyeed u rajeeyey in ciiddaan ciiddeeda ku gaarto Ammaan, Barwaaqo iyo Baraare “ Waxaan Allaah ka rajeeynayaa Dowladda iyo dadka oo isku duuban in ciiddaan ciiddeeda ku gaaraan farxad iyo wanaag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.
Halkan ka dhegeyso Khudbadaha
Madaxda Dowladda Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta ayaa u duceeyey umadda Soomaaliyeed isagoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ka codsaday in ay dhexgalaan shacabka si ay uga warqabaan xaaladda ay ku sugan yihiin.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo kaddib waxa uu farriin u gudbiyay dhammaan masuuliyiinta Dowladda isagoona ugu baaq in masuulyiinta ay la yimaadaan wax ka duwan wixii hore.
“Maanta farriinta aan rabo in aan idinla wadaago waxa ay tahay, waqtigaan aan isku dayno wixii hore wax ka duwan in aanu la nimaado, wixii hore ee noo shaqeeyn waayey in aanu ku noqono haddane oo aanu ka rajeeyno in ay noo shaqeeyaan yeeynan dhicin, aan isku dayno wax aanan horay isugu dayin’ ayuu yiri Madaxweynahu.