4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Magaalada Baladweyne oo maanta si ka duwan sidii hore looga maamusay munaasabada Ciida


Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

 

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa munaasabada Ciida waxaa ay ku soo beegantay xili marxalad adag ay ku jiraan dadka ku dhaqan oo dhawaan fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle ku qasbay kumanaan qoysas ah in ay dibada uga baxaan guriyihii ay xaafaddihii ay ku noolaayeen, taasoo keentay in damaashaadka maanta uu noqdo mid wax xoogaa ka hooseeya kuwii looga bartay shacabka magaalada.

.

Laakiin taa badalkeeda waxaa lagu qabtay xarunta ciidamada midowgga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baladweyne munaasabad loogu talagalay maalinta Ciida oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti.

 


Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada maamulka, odayaal dhaqameed, iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabada ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Jabuuti oo aheyd mid leysku dhaafsanayay hanbalyo oo kaliya, waxaana hadalo kala duwan halkaa ka jeediyay mas’uuliyiintii goob joog aheyd.

 

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in siweyn ugu faraxsan yihiin in ay maanta oo kale la qeybsadaan shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne munaasabada Ciidul-adxaa, iyaga oo sheegay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u rajeynayaan nabad iyo hormar.

 

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan oo iyaguna ka hadllay munaasabada waxaa ay uga mahad celiyeen saraakiisha Jabuuti munaasabada quruxda badan oo ay soo qaban qaabiyeen, iyaga oo sheegay in sidoo kale ay farxad u tahay fantisyaha ay la qeybsanayaan ciidamada soo gurmaday walaalaha ah waa sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta.

 


Munaasabada markii ay soo dhammaatay ayeey ciidamada dowladda Jabuuti waxaa ay soo bandhigeen cayaaraha hidaha ay dhaqanka oo ay ku weyneynayaan Ciida,iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku amaanayaan shacabka Soomaaliyeed, Allana uga barayayaan in uu soo celiyo nabadii lagu yaqiinay.

 

Guud ahaan marka leysku soo duubo waxaa la oran karaa maanta sida looga maamuusay munaasabada Ciida magaalada Baladweyne waa mid ka duwan kuwii sinadihii hore, maadama ay ku soo beegantay xili ay dadka la darseen daruufo adag oo dhinaca nolasha ah.






 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.