4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Gudaha Waajibka Xajka ee Sannadkan kuwaasoo ku sugan dusha sare ee Buurta Carrafo
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan saddex milyan oo muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

Muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa waxaa ku jira Soomaali fara badan waxaana qaarkood ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay Alle ka baryayaan in dalkooda uu nabadeeyo sidoo kalena quluubta shacabka Soomaaliyeed uu isku soo duwo.

"Buurta Carrafa ayaa maanta la taagan yahay, halkaasoo Alle lagu baryayo. Dadka dunida isaga yimid waxaa qolo walba ay Alle ka baryayaan inuu culeyska haysta ka fududeeyo. Innagu haddaan Soomaali nahay waxaan Alle ka baryaynaa inaan nabad helno," ayuu xaaji ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan xajinaya.

Xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamku ku taagan yahay, iyadoo qofka muslimka ah laga doonayo inuu hal mar xajiyo cimrigiisa haddii uu awoodo, iyadoo sannad walba bishan oo kale la guto waajibaadka xajka.



Ciidammo fara badan oo kuwa ammaanka ah ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo, iyadoo dowladda Sucuudiga ay walaac ka qabto inay rabashado la xiriira dagaalka Suuriya ay dhacaan inta lagu jiro gudasha acmaashan.

Istaagidda buurta Carrafo ayaa ah tiirka ugu weyn ee xajka waxay xujeydu halkaa ku sugnaanayaan illaa uu gabbalku ka dhacayo maanta, iyadoo uu seego ay ka dhigan tahay inuusan xaj gudan.

Maalinta berri ah oo maanta xigta ayaa ah maalin ciid ah, waxaana ciiddaas ay socon doontaa saddexda maalmood ee soo socda, iyadoo tani caddeynayso in dadka muslimiinta ah intii awoodda ay guteen waajibaadka xajka ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya