4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto ammaanka Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ay waddo AMISOM inta laga gaaraya hadafka laga leeyahay.

Col. Xumud wuxuu hadalkiisa ku billaabay ammaanka Muqdisho, isagoo sheegay in toddobaadkan uu ammaanka caasimadda ahaa mid wanaagsan, isagoo sheegay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo lasoo wariyay, wuxuuna sheegay inay sii socon doonana howgallada ammaanka lagu sugayo ee AMISOM iyo dowladdu ay ka wadaan Muqdisho.

"Xaaladda ammaan ee Muqdisho waxaa mid hagaagsan toddobaadkan, waxaana sii socon doona howgallada ay wadaan booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee lagu nabadeynayo caasimadda," ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Iyadoo afhayeenku uu sheegay in ammaanka Muqdisho uu toddobaadkan ahaa mid hagaagsan ayaa waxaa haddana ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay naftooda ku waayeen in ka badan toban qof oo shacab ah, kuwaasoo qaarkood ay toogteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM wuxuu ka hadlay howgallada ay ciidamadoodu ka wadaan gobollada ku dhow Muqdisho iyo magaalada Kismaayo, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay isku xiraan magaaalada Muqdisho iyo degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.

"Qorshaha AMISOM waxaa weeye in goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ay kala wareegaan, howshaasna waa mid socota, waxaana sidoo kale naga go'an inaan isku furno Muqdisho, Baydhab iyo Baladweyne oo aan hadda dhexdooda ku sugannahay," ayuu yiri Col. Xumud.

Mar uu ka hadlay xaaladda magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay tahay mid wanaagsan, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan ay howshoodu tahay inay shacabka caawiyaan, balse aysan qayb ku lahayn maamul loo sameynayo degmadaas.

"Ciidamada ku sugan Soomaaliya dhammaantood waa AMISOM marka laga reebo kuwa Itoobiya ka socda, mana jiraan ciidammo ka madaxbanaan AMISOM," ayuu kaga jawaabay su'aal ahayd sida ay u arkaan ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Abuubakar Diarra uu u wakiishay inuu hambalyo ku aaddan ansixinta ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u diro dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya