4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Maxkamadda sare ee dalka oo soo saartay amar lagu mamnuucayo in la qaado lacago aysan ogeyn hay'adaha dhaqaalaha dalka
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar kasoo saartay lacagaha la qaado ee aysan ka warhayn hay'adaha dhaqaalaha dalka, kaddib markii ay maxkamadda dacwad u gudbiyeen iskaashatada gadiidleyda gobolka Banaadir oo ka cabanaya lacago ay ka qaaddo wasaaradda gaadiidka.

Dacwaddaas kaddib ayaa qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare Isniintii shalay ayaa lagu sheegay inaan la qaadi karin lacago aan sharci ahayn, kuwaasoo aysan ogeyn hay'adaha dhaqaalaha dalka iyo wasaaradda maaliyadda.

"Amarkan waxaan u soo saarnay markii ay dacwad inoo soo gudbiyeen iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir, taasoo ay ku sheegeen in lacago aan sharci ahayn ay ka qaaddo wasaaradda gaadiidka. Amarkanna wuxuu saameynayan cid walba oo qaadda lacago aan sharci ahayn," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo lagu helo inay qaaddo lacago aan sharci ahayn, wuxuuna xusay inaysan wax soconaya ahayn in qof walba uu soo saaro amar uu lacago ku qaadayo iyadoo aysan ka warhayn hay'adaha dhaqaalaha daka.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo sannadihii ugu dambeeyay ay aad uga cabanayeen gaadiidleyda ka shaqeeya dekedda weyn ee Muqdisho iyo kuwa kale ee xamuulka qaada lacago aan sharci ahayn oo laga qaado.

Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka oo ay dacweeyeen iskaashatada gaadiidka ee gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin amarkan lasoo rogay, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo aan weli la dhisin xukuumad cusub oo bedesha tii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya