4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Afhayeenka Milateriga Kenya oo sheegay inay soo Hagaagayso Xaaladda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya oo ka tirsan ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in xaaladda magaalada Kismaayo ay si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayso, kaddib markii ay qabsadeen laba todobaad ka hor iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Raaskambooni.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay maalin walba isku dhiibaan ciidamadooda ku sugan Kismaayo, kuwaasoo uu sheegay inay kasoo baxsanayaan Al-shabaab.

"Xaaladda magaalada Kismaayo waa si tartiib-tartiib ah u soo hagaagaysa, iyadoo ciidamadeenna ay maalin walba isku soo dhiibaan xoogag ka tirsanaa Al-shabaab," ayuu yiri Col. Oguna, isagoo intaas ku daray: "Dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibadda magaalada waxaa si joogto ah u koontaroola ciidamadeenna iyo kuwa la socda."

Magaalada Kismaayo oo ay ku nool yihiin 200,000 oo qof ayaa ahayd magaalo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd, balse ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegay bishii hore dhammaadkeeda, kaddib markii dhow jaho oo badda ay ka mid tahay laga weeraray magaaladaas.

Sidoo kale, Xarakada Al-shabaab ayaa laga qabsaday tan iyo billowgii sannadkan iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka qabsadeen toddobaadyadii ugu dambeeyay degmooyinka Marko iyo Wanlaweyn oo labada ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, una jira Muqdisho min 90-km.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxay ku sheegeen qabsashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo inay dhabar-jab weyn ku tahay Al-shabaab, maadaama ay ahayd meel ay dhaqaale badan ka heli jireen.

Col. Oguna wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, Raaskambooni ay u sameeyeen Arbacadii lasoo dhaafay maamul KMG ah oo howsha sii wada tan iyo inta looga sameynayo maamul la wareega xukunka Kismaayo.

Afhayeenku wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida ee ku sugan Kismaayo inay isla shaqeeyaan si xaaladda magaalada ay u noqoto mid caadi kusoo laabatan, isagoo ka digay in tafaraaruq uu yimaado.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay doonayso inay u sameyso Kismaayo maamul aanay ka warhayn dowladda Soomaaliya, inkastoo ay eedeyntaas iska fogeeyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya