4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Laba masuul oo hore loogu xukumay Lunsi Hanti dadweyne oo maanta maxkamadda rafcaanku xoriyadoodii dib ugu soo celisay
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

Labadan masuul oo kala ah gudoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), iyo agaasimihii hore ee wasaaradda Dib u dajinta Axmed Cilmi Bare, oo bishii March ee sanadkan xabsiga loo taxaabay, ayaa lagu eedeeyey musuqmaasuq raashin mucaawimo ah oo dadka danyarta ah loo qaybinayey, waxaanay maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay xadhig saddex sanno ah, haseyeeshee labadan masuul waxay xadhigaasi ka qaateen racfaan, waxaanay maxkamada racfaanku soo saartay maanta go’aan burinaya xukunkii hore, kaas oo sheegtay in aanay wax dambi ah galin, sidaasna dib ugu soo celisay xoriyadoodii.

Labadan masuul, ayaa go’aanka maanta ku tilmaamay mid cadaaladda ah, isla markana maxkamadu u cadaysay in aanay Wax dambi ah galin.

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa ku eedeeysay musuqmaasuq hanti dadweyne, iyadoo u cuskatay dayacaad masuuliyadeed, taas oo keentay lunsi raashin mucaawimo ah, haseyeeshee sideed bilood ka dib ayey heleen xoriyadoodii.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland