4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulammo la kala yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda iyo Madaxweynaha dalkaas

Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

Xasan Sheekh wuxuu ka dalbaday guud ahaan Soomaalida caalamka dacalladiisa ku nool inay maalgashi ku sameystaan dalkooda, ayna qaybtooda ka qaataan sidii uu dalku u noqon lahaa mid nabadi ka jirto oo xasiloon.

"Ogaada dalkiinnu idinka ayuu idiin baahan yahay waxaana tihiin laf-dhabarkii dalka. Sidaa daraadeed waa inaad taageertaan dowladda, waayo waa laga soo gudbay xilligii KMG ahaa," ayuu Xasan Sheekh ka sheegay kulankii uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda.


Madaxweynuhu wuxuu uga digay Soomaalida dibadaha dalka ku nool qabyaaladda, isagoo sheegay in qabyaaladdu aysan waxba kusoo kordhinayn inay wax u dhinto mooyaane, isagoo ku boorriyay inay qabyaaladda ka fogaadaan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo sheegay in taasi ay isaga u tahay dhiirrigelin weyn. Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ku dadaalayso sidii ay u sugi lahayd ammaanka si ay dalka maalgeshi ugu sameystaan hay'adaha caalmiga ah.


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa waxay madaxweynaha ka dalbadeen inuu ka hortago musuqmaasuqa, uuna noqdo hoggaamiye daacad ah, iyagoo sidoo kale ka dalbaday in xukuumaddiisu fuliso lixdii qodob ee uu sheegay in xukuumaddiisa ay saldhig u noqon doonaan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sugidda ammaanka iyo dib u heshiisiinta.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyagoo kawada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-shabaab.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu fara badan ee AMISOM, kuwaasoo muddo shan sano ah ka caawinayay dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jiro Xarakada Al-shabaab oo isku dayday inay xukunka ka tuurto dowladihii ka horeeyay dowladdan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya