4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Qarax sababay khasaare nafeed oo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala damacsanaa ciidamo katirsan dowladda kuwa dowladda oo marayay goobta uu qaraxa ka dhacay, haseyeeshee wax khasaare ah kama soo gaarin, waxaana uu sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca mid kale.

Goobjooge codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan islamarkaasina siweyn looga maqlay qeybo katirsan xaafadaha magaalada, wuxuuna sheegay in uu ku dhintay qof rayid islamarkaasina uu dhaawac kasoo gaaray mid kale.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta uu qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro uu ka dhacay xaafadda V-Afmadow ee magaalada Kismaayo, walow aysan jirin cid wax ku noqotay.

Illaa imika lama garanayo cidda ka danbeysa qaraxyadani mana jiraan cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi.

Qaraxyadani kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli Xoogagga Al-shabaab ay  wacad ku mareen in ay laba jibaari doonaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya