Xildhibaanadda Somaliland ee kasoo jeeda Gobollada Awdal iyo Selel oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo
Guurtidda ee gobolada Awdal iyo Selel, ayaa sheeegay in cabasho ay u
gudbiyeen madaxweynaha Somaliland aanay wax jawaab ah ka helin, isla
markana ay hawadda u marinayaan cadaaladda darada ay ka tirsanayaan
xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo.
Xildhibaanada labadda
gole u matala goboladda Awdal iyo Selel, ayaa si wada jir ah
shirjaraa’id ugu qabtay maanta magaaladda Hargeysa, kuwaas oo baaq
cabasho ah u diray madaxweynaha, iyagoo sheegay inay si degdeg ah jawaab
uga sugayaan in waxyaalaha ay tirsanayaan wax laga qabto.
“Waxaanu
maanta ka koobamnahay xildhibaanada labada gole kaga jira gobolada
Salal Iyo Awdal, hadalkeennu waa baaq, garnaqsi,dhawaaq iyo fariin,
Waxaan ku hal qabsanaynaa oo aanu la hadlaynaa madaxweynaha, waxaanu ku
sheegaynaa madaxweyne tabasho iyo wax aanu tirsanayno, taas oo aanu Af,
Adin iyo qoraalba hore kuugu soo gudbinay sanad iyo badh ka hor, balse
wax jawaab ah kaamaanan helin, taas oo ka fursan wayday inay bulshada
Somaliland iyo caalamkuba maqlaan”ayuu yidhi xildhibaan Axmed Yaasin
sheikh Cali Ayaanle oo ka mid ah xildhibanaadasi labadda gole ee shirka
jara’id qabtay, waxaanu intaas ku daray. “Dalkan Somaliland waxa uu soo
maray dib u xorayn,dib u heshiisiin,dib u dawladaydan iyo dib u
dimuqraadiyadayn, dadka ku dhaqan gobolada galbeedkuna kaalintii ay ku
lahaayeen marxaladahaas uu dalku soo maray cid ay ka qarsoon tahay
dawlada iyo shacabka Somaliland ma jiro,waxaanay awoodooda iskugu
geeyeen sidii looga midha dhalin lahaa ujeedooyinkii loogu dhawaaqay
qaranka Somaliland iyo madax banaanidiisaba.”
Xildhibaan Axmed
yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in goboladda galbeedka aanay
helin saami qaybsigii ay dawladda iyo mashaariicda horumarinta
Somaliland ku lahaayeen.
Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka
hadlay xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ah
xildhibaanada gobolka Selel, waxaanu sheegay in labadan gobol ay isku
keentay dan ka dib markii xukuuumadda wax jawaaba ah ka waayeen
cabashooyin ay u gudbiyeen madaxweynaha.
“Madaxweyne waxa is
raaciyey gobolada Salal iyo Awdal tabasho badan oo ay kaa tirsanayaan,
markaa waxa isku kaaya keenay dantayadii iyo aragtidayadii ayaa mid
noqotay, waxanu ogaanay inaanu Somaliland dhidib u nahay oo aanu
xejinayno Somaliland,balse dhib mooyaane ma jirto wax dheef ah oo naga
soo gaadhay xukuumadaada, mana garanayo cida kuu warantay ee ina kala
dhex gashay”sidaasna waxa ku dooday xildhibaan Cali Aaraaye oo
madaxweynaha ku eedeeyey in aanu wax jawaab ah ka siin cabasho ay u
gudbiyeen.
“waxa yaaba in maanta magaalada Saylac Ceelkii biyaha
loo qoday oo uu daboolan yahay, iyada oo uu magaalada u jiro 18km,
waxaanay u baahan tahay tuunbooyin yar yar,dalkana waxa soo galay
27Million oo doolar oo wax lagaga qabanayey biyaha, maxaase tuunbooyinka
yar yar ee ay Saylac u baahan tahay loogu qaban waayey”ayuu raaciyey
xildhibaan Cali Aaareeye.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay
Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde, Xildhibaan Diini
Cabdilaahi,Xildhibaan Rashiid Maxamed iyo xidhibaano, waxaanay sheegay
in madaxweynuhu gabay kaalitii ay goboladoodu ku lahayeen, waxaanay ugu
baaqeen tabashooyinka jira inuu hoos u eega oo uu wax ka qabto.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]Hargeysa, Somaliland