Axad, November 04, 2012 (HOL) — Gobolka Togdheer deegaano ka tirsan, ayaa waxa ka da’ay roobab dabaylo wata oo waxyeelo u geystay dad iyo duunyadii deegaankaasi ku dhaqanaa.
“Dabeelo iyo daad farobadan ayaa burburiyey guryihii aqalo soomaaliga ahaa iyo kuwa dhismayaal ahba oo tuulooyinkaasi ah, waxaana halkaasi ka dhacay dhimasho dad iyo duunyaba iskugu jiray”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Toghdeer oo la hadlayey BBC-da, waxaanu sheegay in laba qof ku dhinteen, xoolo lagu qiyaasay kun iyo dheeraad neefna ku dhinteen.
Badhasaabka gobolka Togdheer Mr:Cabdoo Aayar ayaa sheegay inay tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin Qori-lugud, Taalo-bood, Dabaqabad, Balley Callane ay u daran yihiin deegaanada ay dhibaatada roobka iyo dabayaasha is wataa ku dhufteen, waxaanu xusay inay gaadhsiiyeen halkaasii dawooyin iyo raashin, balse ay u baahan yahay caawimo dheeraaad ah.
Sidoo kale, Badhasaabku waxa uu sheegay in meelo badan oo deeganadaas Daadku qaaday ay kaneeco ka dhalatay, loona baahan yahay in xaga caafimaadka wax laga qabo, dawooyinna gaadhsiiyeen.
Roobabkan ka da’ay deegaankaasi gobolka Togdheer ka mid ah ayaa la sheegaya inuu dhibaato badan u geystay, kuna geeriyoodeen laba qof oo kala ah gabadh iyo wiil, halka xoolo lagu qiyaasay 1,330 neef ku dilay.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Roobab dabeylo wata oo waxyeeleeyay dad iyo xoolo oo ka da'ay deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland
More News
- Reer Finland oo soo dhaweyn weyn u suubiyey ciyaaryahankii Baanadir Telecom iyo Xulkii Qaranka Soomaaliyeed Abdulqaadir Mooge
- Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo soo magacaabay Gole Wasiirro ah oo tiro yar
- Xildhibaanadda Somaliland ee kasoo jeeda Gobollada Awdal iyo Selel oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo
- Ciidamada Dowladda Somalia oo howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Degmada Marko
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kaddib markii ay la dagtay dooni
- Boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar loogu soo Xiray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka
- Koox dabley ah oo xalay weeraray saldhigga Booliska ee Degmada Qardho
- Qarax Khasaare Nafeed geystay oo lala eegtay kaniisad ku taalla Magaalada Gaarissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dalku uu galayo Xaalad adag haddii ay Dowladda Uganda kala baxdo Ciidamadeeda
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya lagu wado in Maanta gellinka dambe uu ku dhawaaqo Golaha cusub ee Wasiirrada