4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Qarax Khasaare Nafeed geystay oo lala eegtay kaniisad ku taalla Magaalada Gaarissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya
Axad, November 04, 2012 (HOL) —Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo maanta lala eegtay Kaniisad ay dad badani isugu yimaadeen oo ku taal magaalada Garissa ee Xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.


Goobjoogayaal ku sugnaa kaniisadda qaraxa lala eegtay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay fuliyeen laba nin oo hubeysan, kuwaasoo bambaano kusoo tuuray dhismaha ay ku taal kaniisadda, markaa kadibna rasaas ooda uga qaaday dadkii isugu yimid halkaasi.

Hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya ayaa boggeeda Twitterka ku xaqiijisay in qaraxa ay ku dhaawacmeen ilaa 11 qof, kuwaasoo sedex kamid ah ay xaaladooda halis tahay.

Dhaawacyada 11-ka qof ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil katirsan Booliska magaalada Garissa kuwaasoo qaraxa uu ku haleelay gudaha Kaniisadda.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkani mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo weliba khasaaraha uu sababay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya waxa isa soo tarayay weerarrada loo adeegsanayo bambaanooyinka eeka dhaca goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida Baararka iyo Kaniisadaha ee dalka Kenya, waxa uuna weerarkani ku soo beegmaya xilli madaxda Al-shabaab ay dhawaan ku goodiyeen in weerarro kuwii hore ka badan ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Kismayo, Soomaaliya