4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyay Muqdisho howgallo ay kusoo qabqabteen ciidammo kale oo hub ku dhexwatay magaalada Muqdisho, iyadoo howgalladaas ay ciidamadu ku dileen qof watay tuuraha ciidamada dowladda.

Howgalkan oo ahaa mid aan horay loo arag ayay ciidamada milaterigu ku qabteen in ka badan 100 ruux iyo hubkii ay wateen, kuwaasoo saraakiisha howshan waday ay sheegeen inay ku jireen dad shacab ah oo qoryo watay.

"Waxaan howgalkii maanta ku qabannay 100 qof oo hub sharci-darro ah ku dhex-watay magaalada, waxaana ku jiray ciidammo," ayuu yiri Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacama-duulle) oo ah taliyaha howgelinta ciidamada milateriga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo hubeysan ayaa waxaa howgalkan maanta lagu qabqabtay uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay ka sameeyaan magaalada ciidamada milateriga, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay howgalkan ka sameeyeen 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Isgoyska KM-4 ayaa la sheegay in ciidamada dowladdu ay ku toogteen nin xirnaa dharka tuutaha oo qori AK-47 ah watay, kaasoo gobjoogayaal ku sugan halkaas ay sheegeen inuu diiday qoriga, taasna ay keentay inay ciidamadii howgalka ku jiray toogtaan.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa waxay hubka ka qaadayeen ilaalada hoteellada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ku yaalla, waxaana ay dhowr hoteel ka qaateen qoriyihii lagu ilaalinayay, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in howgalkan uu qayb ka yahay mid lagu sugayo ammaanka caasimadda.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhego-badan oo ka mid ahaa saraakishii hoggaaminayay howgalkii Muqdisho laga sameeyay ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka, isagoo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa kuwa dhibaatooyinka ku haya, waayo qof walba xil ayaa ka saaran badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Waxaan uga digayaa ciidamada qalabka sida inaan loo dulqaadan doonin askari hub ku dhexwata magaalada, askarigii aan aragno isagoo qori magaalada ku dhexwata waxaan u qaadanaynaa inuu yahay askari aan shaqo u hayn dowladda," ayuu yiri dhego badan.

Abaanduuluhu wuxuu sheegay in dhammaan hay'adaha, shirkadaha iyo xildhibaannada baarlamaanka ay hubkooda diiwaan-geliyaan, isagoo sheegay in hubkii aan diiwaan-gashanay ay la wareegi doonaan, isagoo xusay in howgalkan uu soconayo tan iyo ammaanka guud ee Muqdisho laga adkeynayo.

Howgalkan ayaa imaanaya iyadoo weli ay Muqdisho ka dhacayaan dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo hoteellada ay beegsanayeen ciidamada ay deggen yihiin xildhibaanno iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya