4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Bam-gacmeed xalay lagu weeraray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen bam-gacmeed xalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda mac-macaanka ee degmada degmada Dharkeynley.

Taliyaha booliiska degmada Dharkeynley, Maxamed Qaasmin ayaa wrabaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid ay geysteen kooxo qas-wadayaal ah, isagoo xusay inay ku jiraan baadi-goob ay ku raadinayaan kooxahaas.

"Qaraxa bambaano wuxuu ka dhacay biibito ay dad shacab ah shaah ku cabayeen taasoo ku dhow bar-koontaool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaa dhintay qof shacab ah, saddex kalena dhaawacyo ayaa gaaray," ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Dharkeynley.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inay ka warhayaan halkii laga soo abaabulay weerarka iyo kooxihii geystay, ayan saacadaha soo socda u soo bandhigi doonaan saxaafadda dhammaan intii ku lug lahayd weerarkii xalay.

Dadkii ku dhaawacmay weerarka oo dhacay xalay fiidkii ayaa la geeyay isbtiaalka Madiina si loogu daweeyo, iyadoo qofkii maydka ahaana la dhigay gurigiisa kaasoo lagu wado in saakay la aaso.

Weerarkan bambaano ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo toddobaadyadan ka dhaca degmadaas, waxaana degmadan ay ka mid tahay degmooyinka ay ku xooggan tahay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya