4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Cusub ee Soomaaliya
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeynayso Dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan golaha wasiirrada ee dhawaan la ansixiyay.

Col. Xumud ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadlay howgallada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka wadaan gudaha iyo ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada gacan siiyaan si looga hortago kuwa ammaanka qalqalinaya.

"AMISOM waxaa ka go'an inay si dhow ula shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya iyadoo ka jawaabaysa baahida shacabka Soomaaliyeed si loo helo nabadgalyo caam ah," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo intaas ku daray: "Madaxa howgalka Midowga Afirka ee AMISOM, danjire Abuubakar Diarra wuxuu hambalyo u soo diray wasiirada dowladda Soomaaliya ee tobanka xubnood ka kooban, kuwaasoo si wanaagsan lagu soo xulay."

Howgalka AMISOM ee Midowga Afrika ayaa wuxuu gacan ka siiyaa dowladda sidii ay isaga difaaci lahayd dagaallada kaga imaanaya Al-shabaab, waxaana ciidamada ku sugan Soomaaliya ay gaarayaan 17,000 oo askari, kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM oo ka hadlay ammaanka goobihii Al-shabaab laga qabsaday iyo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka goobahaas uu aad u wanaagsan yahay, ayna wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay isugu furaan Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

"Waxaa muuqata in Al-shabaab ay isku dhexqarinayaan shacabka, sidaa darteed, waxaan shacabka ka dalbanaynaa inay ciidamada la shaqeeyaan si loo qabto kuwa doonaya inay shacabka dhexdiisa ammaan-darrada ka sameeyaan," ayuu yiri Col. Xumud.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobollada Koonfuta iyo kuwa bartamaha Soomaaliya ku yaalla ay qaadaan weerarro ay Al-shabaab kaga qabsanayaan deegaannada ay hadda ku sugan yihiin.

Maxamede Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya