4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la yeeshay masuuliyiin Ururadda Bulshadda Rayidka Somaliland ka socday

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda urrurada bulshadda rayidka ah ee Somaliland, kuwaasoo ay ka wadahadleen sidii looga wada-shaqayn lahaa doorashooyinka golaha deegaanka oo bishan 28-keeda la filayo inay dalka ka qabsoonto iyo inay si cadaaladda oo xor iyo xalaal ah u dhacdo doorashadaasi.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo ururadda bulshadda ayaa lagu baahiyay war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynanaha Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana warkaasi lagu sheegay in madaxweynuhu dardaaran siiyey ururada bulshadda, isla markaana ku amaanay sida ay isugu habeeyeen ka qayb qaadashada iyo habsami u socodka qabsoomida doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa, iyada oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay inay guul iyo hiilimaad u tahay qaranka Somaliland doorashadaasi oo si wanaagsan inoogu qabsoontaa.

Waxa iyaguna kulankaasi ka hadlay xubnihii metelaayey ururada bulshada ee Somaliland, oo ka waramay hawsha ay isku xilsaareen iyo kaalinta ay ka qaadanayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, si taasi loo gaadhana xukuumada, xisbiyada, shacab weynaha iyo ururada bulshaduba, ay meel uga soo wada jeestaan sidii doorasahdaasi inoogu qabsoomi lahayd si nabad-gelyo ah, looguna wada qanci lahaa natiijada ka soo baxda.

Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu ku sii dhiiri-geliyey ururada bulshada in ay dedaalkaasi iyo xilkasnimadaasi ay halkaa ka sii wadaan si doorashadu inoogu qabsoonto si nabadgelyo ah, guud ahanba dalka oo dhan.

Kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Madaxtooyada , Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland