4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo Xukunno ku riday dhallinyaro lagu Eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) —  Maxkamada ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno xabsi ah ku ridday sagaal ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab oo ay soo qabqabteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dacwadda raggan ayaa waxaa soo gudbisay xeer ilaalinta maxkamadda ciidammada qalabka sida, iyadoo raggan ku eedeysay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyadoo kaddib dhageysiga dacwaddan uu guddoomiyaha maxkamaddu ku dhawaaqay xabsiyada lagu xukumay dhallinyaradan.

"Maxkamaddu markii ay dhageystay dacwadda lagu soo eedeeyay dhallinyaradan waxay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow oo xukunka ku dhawaaqay.

Xubnaha la xukumay oo da'dodu u dhexeysay 27-jir illaa 18-jir ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:
  1. Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo 27-jir ah
  2. Axmed Cabdi Culusoow oo 25-jir ah
  3. Maxamed Axmed Cali oo 22-jir ah
  4. Kaamil Cabdi Yuusuf oo 22-jir ah
  5. Faarax Aadan Dhoore oo 21-jir ah
  6. Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo 21-jir ah
  7. Najiib Maxamuud Cabdullaahi oo 20-jir ah
  8. Xamsa Maxamed Cali oo 19-jir ah
  9. Bashiir Shuuriye Canshuur oo 18-jir ah
Dhanka kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxay xukuntay in loo sameeyo dhaqan-celin laba wiil oo aan weli qaangaarin kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Cabdi Cali iyo Cabdirisaaq Maxamuud Cismaan, kuwaasoo ka mid ahaa labaatameeyo ruux oo maxkamadda la horkeenay maanta.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in xukunka raggan ay u cuskadeen diinta islaamka, xeerarka ciqaabta guud ee dalka iyo xeerka ciqaabta ciidamada milateriga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya