4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Saraakiil ka tirsan AMISOM oo shaaca ka qaaday in 500 oo ka tirsan Askarta Uganda iyo Burundi lagu dilay Soomaaliya
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonka ayaa Arbacadii shalay sheegay in 2,700 oo askari oo ka tirsan cidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka Midoga Afrika lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu howgalkan billowday sannadkii 2007.


Laakiinse laba sarkaal oo ka tisran ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa beeniyay in tiradaas laga dilay ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in 500 oo askari lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu howgalku billowday, kuwaasoo ka kala socday dalalka Uganda iyo Burundi oo safka hore kaga jira howgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

"Uganda waxay howgalka AMISOM ee Soomaaliya ku wayday 2,700 askari tan iyo markii uu howgalkan billowday sannadkii 2007. Halka ay dowladda Kenya ku wayday halkii sano ee ay Soomaaliya howgalka ka wadday 36-askari oo keliya," ayuu yiri Onyonka.

Tirada askarta ku dhintay howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ayaa intiisa badan ahaa mid qarsoodi ah, waxaase tirada uu soo bandhigay wasiirka ay durba abuurtay muran ku saabsan askarta Midowga Afrika kaga dhimatay Soomaaliya.

Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi oo ah kuwa ugu tirada badan ciidamada qaybta ka ah howgalka AMISOM ayaa waxay dagaallo culus la galayeen xoogagga Al-shabaab tan iyo markii ay ciidamadii Itoobiya isaga baxeen Soomaaliya sannadkii 2009, iyagoo laba beegsaday qaraxyo dhowr ah, askar badanna looga dilay dagaallo fool-ka-fool ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo iyaga.

Dagaal ka dhacay degmada Dayniile bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 ayaa la xusuustaa inay ku dhintaan tiro ka badan 76 askari oo ka tirsan ciidamada dalka Uganda, iyagoo dagaalkaas uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada AMISOM.

Ururka Midowga Afrika iyo dowladda Uganda ayaan ka hadlin tirada uu sheegay inay ciidamada Uganda uga dhinteen dagaalladii ka dhacay Soomaaliya. hadalka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Midowga Afrika oo ay kusoo biireen kuwo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone ay gaareen deegaanno ka fog halkii ay howgalka ka billaabeen oo Muqdisho ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya