4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Qoysaska ku Dhaqan Deegaanka Deg-Ilima ee Gobolka Jubada Hoose oo ka Cabanaya Dhibaatooyin Nolol Xumo

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

Qoysaskan oo gaaraya Boqollaal ayaa waxa kamid ah qoysas dhawaan kasoo barakacay dagaallo iyo duqeymo xooggan oo ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Hoosingoow, ee gobolka Jubada Hoose.

Dhibaatooyinka ay dadkani ka cabanayaan ayaa waxa kamid ah Raashiin la'aan, Hoy la'aan iyo weliba dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo lasoo darsay, iyadoona ilaa imika aysan jirin cid u gurmatay dadkaasi dhibaateeysan.

C/raxmaan Sheekh Aadan oo kamid ah odoyaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay aad u liidato xaaladda guud ee dadka ku dhaqan deegaanka Deg-ilima, isagoona sheegay in qoysaskii dhawaan kusoo barakacay deegaanka ay dul-saar ku yihiin qoysaskii hore ugu noolaa deegaanka, arintaasoo uu sheegay in ay uga sii dartay dhibaatada markii hore heysatay.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hay'adaha samafalka iyo weliba bulshada Soomaaliyeed in ay lasoo gaaraan kaalmo deg deg ah, wuxuuna sheegay in hadii aan kaalmo lala soo gaarin ay kasii dari doonto xaaladda ay haatan ku suganyihiin qoysaska ku dhaqan deegaanka Deg-ilima ee gobolka Jubada Hoose.

Gobolka Jubada Hoose oo kamid ah gobollada ay sida ba'an u saameeyeen dagaallada u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa waxa ka jirto xaalad biniaadanimo oo aad u liidata, waxaana jirtay in hay'ado samafal ay raashiin ka qeybiyeen deegaanka Dhoobley iyo deegaano ku dhow dhow, haseyeeshee Deeqahaasi ma ahayn kuwo ku filan dadka ay soo barakiciyeen abaaraha iyo dagaallada ee ku sugan qeybo katirsan gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya