4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Selel, mid cusubna u magacaabay

Axad, May 06, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey kaga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul, waxaanu gudoomiye cusub u magacaabay gobolkaasi Nuur CIsmaan Guuleed.

Waxaana sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona dalalka Ingiriiska,  Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

“1. Cali Aadan Cawaale, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom), 2.  Marwo, Luula A. J. Ismaan, Wakiilka Somaliland ee Canada. 3.  Sulub Warsame Xuseen, Wakiilka Somaliland ee Norway. 4. Cali Ismaaciil Xasan, Wakiilka Somaliland ee  France.

5.  Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden, 6. Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.7. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large)”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland