Barnaamijkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Nairobi gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa ugu horeyntii goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo isla markaana daahfurey barnaamijka kana sheegey in ay munaasabadan tahay mid loogu gogol xaarayo xaflad balaaran oo lagu qaban doono magaalada Nairobi bisha May 15, 2012.
Kooxda Waayaha Cusub ayaa sidoo kale soo bandhigey qalab casri ah oo
dhawaan loogu deeqey kooxda.
Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah
Speakero, Amps, Qalabka live musica lagu garaaco iyo waliba Jenereetar
weyn oo xalay loo shidey goobta ay xaflada ka dhacaysey, kadib markii ay
korontada ka tagtey xaafada Eastleigh.
Kooxda Waayaha cusub ayaa soo bandhig barnaamij faneed oo
heesahana si toos ah (live) u garaacanaysay. Dadweynihii kasoo qeyb
galay si diirran u daawanayay iyadoo mararka qaarna ay ka qayb qaadanayeen qoob ka ciyaarka.
Dhanka kale kooxda Waayaha Cusub ayaa xafladaasi waxay kusoo dhaweeyeen Hal-Abuurka Soomaaliyeed ee reer Minnesota Saalax Doonyaale oo goobtaasi tix gabay ah oo dhalinyarada ka wacyi galineysa is qarxinta ka tiriyey. Sidoo kale Doonyaale ayaa u mahad celiyey sida balaadhan ay kooxda Waayaha Cusub ugu soo dhaweeyeen magaalada Nairobi taniyo goortuu yimid gaar ahaan hoobalka codka halaasiga ah leh, horyaalka raabkana qaadey alfanaan Digriyow iyo marwadiisa Nafiso, sidoo kale hogaamiyaha kooxda Shiine Akhyaar oo si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi.
Waxaa goobtaasi isna wacdaro ka dhigey fanaanka Lixle, xidigta fanka
Soomaaliyeed Falis, iyo waliba Burhaan, Axmed iyo Raguu.




























Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya