4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Madaxweynaha dalka Kenya oo Beesha Calaamka ka codsaday in gacan laga siiyo dib u celinta Qoxootiga Soomaalida

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa weydiistay beesha caalamka shalay oo Khamiis ahayd in gacan laga siiyo dowladdiisa sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida gudaha dalkooda, gaar ahana goobihii laga saaray Al-shabaab.

Kibaki ayaa sheegay in dowladdiisu ay si rasmi ah ugu biirtay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, sidaa daraadeedna ay sugeen ammaanka goobihii laga saaray Al-shabaab lana geyn karo qoxootiga.

"Hay'adaha UNCHR waxaan ka codsanaynaa inay nagala shaqeyso sidii aan dib ugu celin lahayn qoxootiga Soomaalida dalkooda," ayuu yiri Kibaki oo sheegay in sidoo kale ay beesha caalamka ka filayaa taageero taas la mid ah.

Madaxweynaha Kenya wuxuu hoosta ka xariiqay in xeryaha Dhadhaab ya ku sugan yihiin 630,000 oo qoxooti Soomaaliyeed, isagoo xusay inaan dadkaas loo heli karin goob kale oo lagu hayo. Wuxuuna hadalkan sheegay kaddib markii uu xafiiskiisa kula shiray xubno ka socday Midowga Yurub.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa waxay ka digayaa in qoxootiga Soomaalida dib loogu celiyo Soomaaliya, iyagoo sheegay in weli aan la isku halleyn karin goobihii laga saaray Al-shabaab, iyadoo Kenya ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay dib u celinayso qoxootiga Soomaalida.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ay la qabsaden qoxootinimada ayna doonayaan inay xeryaha iska sii joogaan, balse ay iyaga ka go'an tahay inay dib ugu celiyaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen si halkaas noloshooda ay uga abuurtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya