4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Munaasabad loo sameeyey Hablo Tababar Macalinnimo loogu soo xiray Dugsiga SOS ee Magaalada Sheekh

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam cabdi Aadan, ayaa ka qaybgashay xaflad shahaadooyin lagu siinayey sodan hablood oo tobabar macalinimo ah ku qaadanayey dugsiga SOS ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Hablahan munaasibadda shahaadooyinsiinta ah loo sameeyey ayaa dugsigaasi ku jiray muddo laba sanno ah, kuwaas oo qaadanayey tobabar ku saabsan macalinimadda kuna qaadanayey shahaadadda Diplomadda ah, isla markaana wax ka dhigi doonna dugsiyadda kala duwan ee ku yaalla somaliland.

Wasiiradda Waxbarashadda waxa booqashadeeda ku wehelinayey agaasimaha guud wasaarada waxbarashada, lixda gudoomiye waxbarasho ee gobolada somaliland, guddoomiyaha jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, gudoomiyaha gobolka Saaxil, Maayarka degmadda Sheekh, saraakiil ka socotay hay’adaha save the children iyo Care international, waxa kale oo ka soo qaybgalay madaxda iskuulka SOS oo ah iskuulka gabdhahan lagu tabobaray.

Wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ayaa hablahan dhamaystay tobabarka macalinimo ku boorisay inay waxbarashadda ay qaateen sii korodhsadaan oo aanay halkaasi ku deyn, waxaanay dugsigan SOS ee magaaladda Sheekh ku amaantay tayadda waxbarasho ee uu leeyahay, maadaama oo imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee somaliland dhibcaha ugu sareeya keenaan ardayda dhigataa dugsigan .

Sidoo kale, waxa ay xustay in hablahan tobabarka macalinimo qaatay ay shaqo gelin doonto, iyadoo degmada sheikh ku amaantay inay tahay hooyadda waxbarashadda somaliland.

Waxa isaguna munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, oo sheegay in aanu dugsigan sheikh ilaawi doonin maadaama oo uu yahay dugsigan uu wax ku bartay, waxaanu sheegay in tobabarka macalimiinta ay markii ugu horaysay bilowday jaamacadda Camuud, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in macalimiin dhalinyaro ahi soo baxaan, maadaama ay ugu dambaysay wax macalimiin ah macalimiintii lafoole ka soo baxday, kuwaas oo imika gaboobay intoodda nool.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Saaxil iyo Maayarka Degmadda Sheekh oo hablaha tobabarkan macalimiinta ku qaatay magaaladda Sheekh ku tilmaamay kuwo loo baahan yahay, isagoo maayarka magaaladda Sheekh sheegay in xaflad sagootin ah u samayn doono hablaha, maadaama oo mudadii labadda sanno ah ee magaaladda ku sugnaayeen ay ku joogeen wanaag iyo Akhlaaq wanaagsan ee hablaha lagu yaqaanay.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay madaxda`hay’adaha save the children iyo Care international oo siwayn uga waramay sida ay ugu hawlan yihiin taakulaynta waxbarashada, waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay in waxbarashada gabdhaha kor loo qaado la iskana kaashado.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland