3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
Thursday, May 31, 2012

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga, isla markaana uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee saliimka ah ee Turkiga uu ka qaato arrimaha Soomaaliya iyo weliba shirka Istanbul 2 ee arrimaha Soomaaliya oo uu Ra'iisul Wasaare Abdiweli sheegay in Somalidu ay rajo weyn ka qabaan shirkan.

Labada mas'uul ayaa si saraaxad leh uga wada hadlay arrimaha Soomaaliya, sida Roadmap ka dhaqangelintiisa, dadaalada Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan mashaariicda horumarineed, dhanka gar-gaarka bani'aadanimo, iyo howlo ballaaran ee ku wajahan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo dhammaan adeegyada bulshada.
 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu si gaar ah uga mahadceliyey dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Turkiga safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu bishii August ku yimid Soomaaliya oo uu sheegay inay keentay in beesha caalamku ay u soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh facdheer iyo xadaarad wanaagsan, isla markaana uu u sheegay dhigiisa in Soomaalida meel walba ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba ay aad iyo aad ula dhacsanyihiin dadaalada Turkiga ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya kana codsaday inay sii labo jibaaraan.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Ra'iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo sida hogaanka fiican ee uu isbedelo dhab ah uga sameeyey Soomaaliya una rajeeyey in Soomaaliya xal waara loo helo oo ay Dowladda Turkigu ay aad iyo aad uga shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay cagaheeda isagu taagi laheyd.












Click here
5/31/2012 11:45 AM EST
Anagoo ah ka soo qayb galayaasha Shirka Istanbuul ee Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed oo ka kooban odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahannada, Ururrada Siyaasadeed ee abuubulan, Ururrada haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta....

5/31/2012 9:11 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in ajadanaha ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo hadda ka mid ah AMISOM uu yahay sidii ay Al-shabaab uga qabsan lahaayeen degmada Kismaayo inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

5/31/2012 8:28 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, iyagoo isku raacay in gacanta laga geysto xalislinta Soomaaliya.

5/31/2012 8:01 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay si buuxda ula wareegeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

5/31/2012 7:58 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay saddex oo uu ku jiray cunug yarna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax xalay fiidkii ka dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

5/31/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam cabdi Aadan, ayaa ka qaybgashay xaflad shahaadooyin lagu siinayey sodan hablood oo tobabar macalinimo ah ku qaadanayey dugsiga SOS ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil.

5/31/2012 6:50 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib dagaal culus oo oo iyaga iyo Ciidamada huwanta ha ku dhexmaray duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

5/31/2012 6:42 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan madaxda ka socda in ka badan 54-dalka iyo madaxd DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka furmay maanta oo Khamiis ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.