3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Ciidammo ka tirsan Booliiska Kenya oo lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in afar askartooda ka tirsan lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo kooxo hubeysan ay shalay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadooda wateen xilli ay kasoo bas ay kooxo hubeysan ku weerareen Dhadhaab.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyonges ayaa xusay in kooxo hubeysan ay weerarka fuliyeen, isagoo aan sheegin khasaarihii kooxaha hubeysan kasoo gaaray rasaas ay ciidamadu ku jawaabeen.

"Kooxo hubeysan oo Soomaali ah ayaa weerarka fuliyay," ayuu yiri Nyongesa oo ku daray hadalkiisa. "Waxay doonayeen inay gaariga ciidamadu wateen ay dhacaan ayna la galaan Soomaaliya."

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaal, iyadoo taliyuhu uu sheegay in mid ka mid ah ay xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, balse saddexda kale oo dhaawacyo halis ah qaba laga yaabo in daweyn loogu qaado magaalada Nairobi.

Soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku badan kooxo hubeysan oo ugaarsada gaadiidka ka shaqeeya magaalooyinka xuduudaha u dhow, xillli ay ku sugan yihiin ciidammo badan oo ammaanka ilaaliya.

Mas'uuliyiin Kenya ayaa waxay weerarrada ka dhaca xuduudda ku eedeyaan inay ka dambeyso Al-shabaab, inkastoo aysan kooxdan weligeed sheegan inay mas'ul ka tahay weerar ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari, iyadoo tan iyo markii ay ciidamada soo geliyeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay ka dhacayeen gudaha dalkaas qaraxyo ay khasaare kasoo gaarto dad shacab ah iyo ciidamada dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/30/2012 10:35 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in Axmad Salaad Farey oo ah shaqaala hore oo MSF ka tirsanaa lagu helay dambi ah ah dilka laba ka mid ah shaqalaheena oo kala ahaa, Dr Karel Keiluhu oo loo yaqaana Kace iyo Phillipe Havet 29-kii December 2011, xilli ay labadan shaqaalaha ah ku jireen howlahooda iyadoo Axmad 30-sano o xabsi ah lagu xukumay.

5/30/2012 9:55 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirka Istanbul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado inay ka qaybgalaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

5/30/2012 9:25 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo horay uga soo horjeestay ka qaybgalka shirka Istanbuul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan iyadoo sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay shirkaas ka qaybgalkiisa diidaan.

5/30/2012 9:23 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xiisado dagaal laga dareemayaa deegaanada hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 6:44 AM EST
Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aannadii kasoo baxay shirkii dhawaan ay saxiixayaasha Roadmapku ku yeesheen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

5/30/2012 5:56 AM EST
Arbaco, May 30, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

5/30/2012 4:04 AM EST
Arbaco, May, 30, 2012 (HOL) — Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan waxaa dib u dhac ku yimid ciidamado ka socday dowladda Jabuuti oo lagu waday in ay maanta gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

5/30/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ay duqeeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 2:26 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa isku khilaafay ka qaybgalka shirka Istabuul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

5/30/2012 2:12 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ee shalay ay ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ku doonayeen inay ku dilaan madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

5/30/2012 1:44 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.