3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo Warsaxaafadeed kasoo saaray shirka ka dhacaya Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirka Istanbul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado inay ka qaybgalaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Xisbiga PDP ayaa warsaxaafadeedkiisa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dowlad-dhisida Soomaaliya, isagoo soo jeediyay talooyin ku aaddan marxalada xasaasiga ee dalku uu ku jiro, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, amniga iyo bulshada.

"Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maanta marayso marxalado xasaasi, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada. Marxaladdaas oo keentay in dalku dib ugu laabato halkii uu kasoo hayaamay siddeed sano ka hor, kaddib markii ay qabsoomi waayeen howlahii kala guurka si looga gudbo marxaladda KMG ah. Haddaba, Soomaaliya waxay u baahan tahay inayan dib u marin jidadkii horay loogu lumay ee sababay in dalku ku nagaado dowlad la’aan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray xisbiga Nabadda iyo Horumarka.

Sidoo kale, warka ayaa waxaa lagu sheegay dadka Soomaaliyeed ay maanta haystaan fursad kale oo ay ku saxi karaan qaladaadkii horay uga dhacay, si aan dib loogu laaban halkii hayaanka laga soo billaabay.

"Dadka Soomaaliyeed aad ayay ugu farxeen shirarkii lagu qabtay meelo ka mid ah dalka gudihiisa, waxaana yididdiilo galisay dadaalka dowlad-dhisidda Soomaaliya, inkastoo dad badani ay su’aalo ka qabeen dhanka farsamada shirarkaas haddana waxay ahayd rajo cusub oo soo muuqatay," ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay xisbiga PDP.

"Hase yeeshee, waxaa arrin niyad-jab leh noqotay in saxiixayaasha Roadmap-ka ay dib ugu celiyaan shirarka geeddi-socodkii dowlad-dhisidda Soomaaliya ee ka socday dalka gudihiisa in lagu qabto dibadda dalka. Dibad u celintaas waxay sii adkeysay fikikirkii qalloocnaa ee ahaa in xalka Soomaaliya yaallo dibadda. Taas ayaa keentay in dad badan oo Soomaaliyeed fursad xal-doon ah u arkaan ka qaybgalka shirka hadda ka socda Istanbul - Turkey oo ay kasoo muuqato rajo wanaagsan," ayuu mar kale xisbigu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa.

Dhanka kale, xisbigu wuxuu baaq iyo talooyin u soo jeediyay saxiixayaashii Roadmap-ka, beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay u qornaayeen sidan

I. Baaq:

  1. Saxiixayaasha Roadmap-ka waa inay garawsadaan in talada dalka ay leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed kana jawaabaan rabitaanka shacabka ee ku wajahan geeddi-socodka dowlad-dhisidda.
  2. Saxiixayaashu waa inay joojiyaan isku gaar-yeelidda talada geeddi-socodka ee dowlad dhisidda Soomaaliya.
  3. Waa in geeddi-socodka dowlad-dhisidda dalka dib loogu soo celiyo gudaha dalka, saxiixayaashuna ka cudurdaartaan dibad u celintiisa.
  4. Waa inay sidoo kale cudurdaar cad ka bixiyaan meel ka dhaca ay u geysteen sharafta odayaasha-dhaqanka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya shirka Istanbuul ee ay ku tilmaameen argagaxiso, dad is-magacaabay iyo dad aan cidna metelin.
  5. Waa inay soo afjaraan safarrada dibadeed oo aan wax nuxur ah kusoo kordhinayn geeddi-socodka dowlad-dhisidda xilli dadaallo badan oo xasilin ah ka socdaan dalka gudahiisa.

II. Beesha Caalamka:

  1. Daneynta beesha caalamku ay wali daneyneyso xal u helidda mashaakilka dalka Soomaaliya waa arrin soo dhaweyn mudan hase yeeshee u baahan midnimo iyo taxaddar dheeri ah.
  2. In beesha caalamku diiradda saarto sidii qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed kaalin mug leh oo muuqata uga qaadan lahaayeen hoggaaminta iyo ka qaybgalka geeddi-socodka dowlad-dhisidda.
  3. Inaan marnaba garab lasiin dhaqanka faquuqa, takooridda iyo isku koobidda talada dalka oo billow u noqon karta kali-talisnimo dhismaya.
  4. In beesha caalamku ka qaadato kaalin mug leh sidii habka geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya u noqon lahayd mid ka madax-bannaan, marin habaabin iyo tagrifal awoodda dowladnimo si uu u noqdo mid ay u simman yihiin muwaadiniinta oo dhan soona saaro hoggaamiyayaal lagu kalsoonaan karo.

III. Ummadda Soomaaliyeed:

  1. Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waa inaysan seegin fursadda ay heleen ee ah inay ugu hiilliyaan Soomaaliya soo xulidda siyaasiyiin ka saari karta dalka KMG-ka daba-dheeraaday.
  2. Dadweynaha Soomaaliyeed waa inay u istaagaan sidii mar kale geeddi-socodka dowlad-dhisidda aanu u hungoobi lahayn iyagoo si nabad ah ku muujinayo waxay doonayaan.
  3. Xoogagga madaniga ah ee abaabulan waa inay u midoobaan sidii door-hoggaamineed ay ugu yeelan lahaayeen geeddi-socodka dowlad-dhisidda dalka.
  4. Sidoo kale xoogagga madaniga ah ee abaabulan waa inay mideeyaan codkooda isbeddel-doonka ah si loosoo saaro hoggaan suubban oo dalka iyo dadkaba u abuura rajo cusub.

Ugu dambeyn, xisbiga Nabadda iyo Horumarka wuxuu u mahadcedliyay dhamamaan dadweynhii Soomaaliyeed ee sida hagar la’aanta ah uga qayb-qaatay dadaalladii lagu sammata bixinayay dadkii ay abaaruhu waxyeellada xooggan u geysteen iyo sii joogteynta gargaarkaas. Sidoo kale waxay u mahadceliyeen beesha calaamka oo ka shaqeysay sidii lagu caawin lahaa Soomaalida abaaruhu ku habsadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/30/2012 10:35 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in Axmad Salaad Farey oo ah shaqaala hore oo MSF ka tirsanaa lagu helay dambi ah ah dilka laba ka mid ah shaqalaheena oo kala ahaa, Dr Karel Keiluhu oo loo yaqaana Kace iyo Phillipe Havet 29-kii December 2011, xilli ay labadan shaqaalaha ah ku jireen howlahooda iyadoo Axmad 30-sano o xabsi ah lagu xukumay.

5/30/2012 10:11 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in afar askartooda ka tirsan lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo kooxo hubeysan ay shalay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadooda wateen xilli ay kasoo bas ay kooxo hubeysan ku weerareen Dhadhaab.

5/30/2012 9:25 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo horay uga soo horjeestay ka qaybgalka shirka Istanbuul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan iyadoo sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay shirkaas ka qaybgalkiisa diidaan.

5/30/2012 9:23 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xiisado dagaal laga dareemayaa deegaanada hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 6:44 AM EST
Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aannadii kasoo baxay shirkii dhawaan ay saxiixayaasha Roadmapku ku yeesheen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

5/30/2012 5:56 AM EST
Arbaco, May 30, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

5/30/2012 4:04 AM EST
Arbaco, May, 30, 2012 (HOL) — Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan waxaa dib u dhac ku yimid ciidamado ka socday dowladda Jabuuti oo lagu waday in ay maanta gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

5/30/2012 2:38 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ay duqeeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

5/30/2012 2:26 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa isku khilaafay ka qaybgalka shirka Istabuul II ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

5/30/2012 2:12 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ee shalay ay ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ku doonayeen inay ku dilaan madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

5/30/2012 1:44 AM EST
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.