4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Ra'iisul Wasaareyaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku yeeshay kulan ay uga hadleen Arrimaha Soomaaliya


Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Raila Odinga iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidamada Kenya qaybta ka yihiin.

Kulanka labadan ra'iisul wasaare ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika iyo Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah mas'uuliyiin Kenya, iyadoo lagu soo qaaday kulanka heshiiskii madaxda Soomaalidu ay ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Raila Odinga ayaa ku ammaanay xukuumadda KMG ah howlihii ay qabatay muddadii 11-ka bilood ah ee lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay safaraaddii ay ku lahayd Soomaaliya dib uga furayso magaalada Muqdisho, si wada-shaqeynta labada dowladood ay u noqoto mid joogto ah.

Mudane C/weli Gaas ayaa dhankiisa warbixin dheer ka siiyay dhigiisa Kenya, xaalka dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay dhinaca ammaanka, wuxuuna sidoo kale uga warbixiyay go'aanka xukuumadda ee ku aaddan soo afjaridda xilliga KMG ah si Soomaaliya ay u yeelato gudbto dowlad joogto ah.


Labada ra'iisul wasaare waxay isku waafaqeen in muddada yar ee ka dhimay 20-ka Ogoosto ee sannadkan laga faa'iideyto, sidoo kale waxay kawada hadleen shirka Istanbuul II oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo bil ka hor ku biiray howlgalka AMISOM, iyagoo kula dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya xoogagga Al-shabaab oo Kenya ay ku eedeysay inay dalkooda ka geysteen falal isugu jira afduub iyo dilal qorsheysan.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kulammo kula yeeshay siyaasiyiin beesha caalamka ka tirsan, waxaana xubnihii uu la kulmay ka mid ahaa; safiirrada Mareykanka, Shiinnada iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Dajire Augustine Mahiga.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah u dhoofo dalka Turkiga si uu uga qaybgalo shirka looga hadlayo aayaha Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan mas'uuliyiin ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya