4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Kooxo hubeysan oo Degmada Wardhiigley ku toogtay mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka degmadaas

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka degmadaas, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Xaashi Diiriye ayaa la toogtay xilli uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar-jadiid, iyadoo ay kooxihii dilay goobta ka baxsadeen.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilkaas, sidoo kalena lama oga in dilkiisa uu xiriir la leeyahay xilka uu hayo iyo in kale, balse maamulka degmada ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegtay in baarista dilka guddoomiye waaxeedkan aysan meelna uga hari doonin, iyadoo intaa ku dartay in mas'uul la dilay uu guddoomiye ka ahaa waaxeedka Barwaaqo ee degmada Wardhiigley.

"Nuur Xaashi waxaa lagu dilay agagaarka saldhigga degmada, waxaana socda baaris ku aaddan dilkiisa; kamana hari doonno kuwii ka dambeeya dilka," ayay Deeqo u sheegtay warbaahinta.

Balse, ehellada marxuumka oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuusan ka mid ahayn maamulka degmada Wardhiigley, iyagoo sheegay inuu ahaa nabaddoon ayna dileen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya