4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Shir loo hadlay Mustaqbalka Bangiyada Islaamka oo Malaysia lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, May 27, 2012-Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu dagan yahay, ee wadanka Malaysia.

Jaamacada Caalamiga ah ee Al-Madinah, waxeey ka mid tahay jaamacadaha eey dhigtaan ardeyda Soomaaliyeed ee ugu faraha badan, hadiiba eeysan aheyd Jaamacada eey dhigtaan ardeyda ugu madan ee Somaaliyeed, ee waxkabarata wadanka Malaysia. Maadaama tirada ardeyda ah ee dhinaga qeybaheeda kala duwan, lagu qiyaasayo 100 illaa 150-ardey ee Soomaalieed.

Shirkan lagu lafagurayey Mustaqbalka Bunuugta Islaamka, oo qabanqaabadiisu eey socotey mudo dheer, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax sare oo ka kala socotey EXCELLENCE INTERNATIONAL For Educational & Promotional Services, Al-Rajhi Bank, Islamic Bank in Malaysia, Bank Negara Malaysia, Malaysian Accreditation Agency, Takaful and Insurance Company, Madax ka socotey midowga Bank-yada Malaysia, Insurance and Finance professionals, Consultants and Personalities of Islamic Banking iyo ugu dambeyn ardey iyo mas’uuliyiin ka kala socotey jaamacadaha iyo College-yada ku kala yaalla wadanka Malaysia.

Shirkan ayaa waxaa qudbad ku furey Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” oo ah Bare/Macallin Soomaaliyeed oo wax ka dhiga Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ee jaamacada Al-Madinah, ahaana xiriiriya Shirka. Waxaa sidoo kale qudbooyin muhiim ah kasoo kala jeediyey madax kaloo sare sida: Prof. Dr. Mohammed bin Khalifah Al-Tamimi oo ah madaxa Jaamacada Al-Madinah. Waxaa sidoo kale ka hadashey Madam Mastura bint Hajji Mohamed oo iyana ah madaxa Library-ga Ummada ee Selangor iyo Registrar-ka jaamacada Dr. Khalid Mohamed Idriss oo isna Jaamacada Macluumaad ka bixiyey.


Fadhigii 1-aad ee shirka ayaa waxaa chairman u ahaa Prof. Dr. Ahmed Ibrahim Abushouk kana socdey Machadka Mideynta Ummada Islaamka, iyadoo Rapporteur-na uu ka ahaa: Prof. Ir. Dr. Wan Mahmood Wan Ab. Majid. Waxaa Waraaqado (Conference Papers) kasoo kala jeediyey- Kadib baaritaan cilmiyeed dheer oo eey sameeyeen-Aqoonyahannada kala ah Prof. Dr. Kamal Mohd Towfiq Hattab ahna ku xigeenka madaxa jaamacada ee qeybta waxbarashada. Waxaa kaloo research paper kasoo jeediyey Dr. Abdussalam Ismail Onagun, oo isna ka socdey Bankiga dhexe ee wadanka Malaysia (Central Bank of Malaysia), iyo Assist. Prof. Dr. Omar Mohammed Idris oo dhowr jaamacadood wax ka dhiga, iyo Asst. Prof. Dr. Saeed Ahmed Saleh Faraj oo ah madaxa qeybta cilmi-baarisya iyo horumarka ee Jaamacada Al-Madinah (Research and Developement).

Fadhigii 2-aad ee shirka ayaa iyana waxaa chairman ka ahaa: Prof. Dr. Kamal Mohd Towfiq Hattab. Waxaa Conference Papers qeybtan kasoo kala jeediyey: Dr. Salman Zaidan, kaa oo ah madaxa Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ama (Dean of Faculty of Finance and Adminstrative Sciences), oo xaqiiqdiina ah Kullaha iska laheyd abaabulka shirkan. Waxaa sidoo kale Conference papers kasoo jeediyey: Dr. Adewale Abdideen Adeyemi oo ka socdey jaamacada Caalamiga ah ee Islaamka ee wadaka Malaysia (IIUM). waxaa sidoo kale Conference paper kasoo jeediyey: Dr. Mubarak Munssour Ebodey oo ah ku xigeenka madaxa Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ee jaamacada Al-Madinah. Waxaa sidoo kale Conference paper kasoo jeediyey: Dr. Abdisalam A. Hussein Malla oo ah Bare Soomaaliyeed oo wax ka dhiga Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ee jaamacada Al-Madinah iyo Dr. Mohammed Alkhawlani oo ah bare isna wax ka dhiga Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ee jaamacada Al-Madinah.


Su’aalo iyo jawaabo dadkoo dhan loo furey kabacdi, iyo tacqiibin waraaqihii meesha laga jeediyey lagu sameeyey, ayaa sidaa loogu soo gunaanadey shirkii.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey, aqoonyahannadii aqoontooda ummada la qeybsadey ee conferece papers-ka shirka ka jeediyey, iyo maamulkii soo abaabuley ee isku soo duba ridey shirka, Wuxuna shirka kusoo dhamaadey, sidii loogu talagaya.