4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Qaraxyo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Xerada Qoxootiga IFO iyo Degmada Wajeer ee dalka Kenya

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo xalay ka kala dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta lagu tuuro ayaanay jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay, iyadoo qaraxii ka dhacay xerada IFO uu sababay dhaawaca afar qof oo ahaa fuundiyaal dhisayay iskuul laga hirgelinayo xeryaha qoxootiga Kenya.

"Afar qof ayay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen bam lagu weeraray xerada IFO, dhammaan dadkaas waxay ahaayeen shaqaale dhisayay iskuul hoose/dhexe ah oo laga hirgelinayay xeradaas," ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyongesa.

Sidoo kale, taliyaha booliiska gobolka wuxuu sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay bam isla xalay lagu weeraray hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolkaas, mana jirto cid loo qabtay weerarradan.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd weerarradii xalay dhacay, balse saraakiisha booliiska Kenya ayaa weerarradan oo dhan dusha uga tuuray Xarakada Al-shabaab oo ciidamada Kenya kula dagaalamaysa Koonfurta Soomaaliya.

Weerarradan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli ciidamada booliiska Kenya ay ku qabteen shalay gallinkiida dambe wiil dhallinyaro ah oo watay qori AK-47 oo ay ku jirtay 30-xabbo oo rasaas ah.

Tan iyo markii ay dowladda Kenya ciidamadeeda u soo tallaabisay gudaha dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxaana gudaha Kenya ka dhacayay qaraxyo ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaartay dad shacab ah iyo askar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya