3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Guddoomiyihii hore ee Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa xalay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaal oo Gaalkcyo ku dhow.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in Sheekhu uu geeriyooday xalay 10:00 habeenimo, iyagoo sheegay in gaariga la rogmaday uu isagu gacantiisa ku watay, uuna shilka kasoo gaaray dhaawac halis ah.

"Allaha u raxmadeed Sheekh Cumar wuxuu u dhintay dhiig maskaxda kaga furmay, kaddib shil gaari oo uu ku galay deegaanka Dagaari oo ku dhow Gaalkacyo," ayaa laga soo xigtay xubno Sheekha aad ugu dhawaa oo ka tirsan Ahlusunna.

Maanta ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha la aaso, inkastoo aan la sheegin goob lagu aasi doono, waxaana Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax uu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee ururka Ahlusunna Waljamaaca oo muddo ka badan saddex sano dagaallo kula jira Al-shabaab.

Sheekh Cumar ayaa la sheegay inuu ku dhashay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud halkaasoo uu ku barbaaray, wuxuuna hadda ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca.

Ururka Ahlusunna ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya kuwaasoo ay ku jirto degmada Ceelbuur oo ah degmadii uiu ku dhashay Sheekh Cumar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/27/2012 2:21 PM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Mr: Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in shirka 31 May ka dhici doona Istaanbuul ee dalka Turkiga qaybtiisa hore ee lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha ay ka qaybgali doonaan balse qaybtiisa dambe ee siyaasadda lagaga hadlayo aanay ka qaybgali doonin.

5/27/2012 1:55 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Waxaa bishan 20 keedii ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway koob lagu xususayay sanadguuradii 21aad eek a soo wareegtay gooni isu taagga Somaliland.

5/27/2012 1:30 PM EST
Axad, May 27, 2012-Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu dagan yahay, ee wadanka Malaysia.

5/27/2012 12:40 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Istanbul II.

5/27/2012 6:26 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynayso weerarradiii ay Al-shabaab kusoo qaadi jireen Muqdisho.

5/27/2012 6:17 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, Mr: Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Culimadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacyigeliyaan dhaqanka xun ee tageerka ku salaysan, maadaama oo dad waxa kaliya ay dhagaystaan tahay culimadda iyo abwaanada, balse ay abwaanaddu iyagu waajibaadkii arirntaasi ka saarnaa ay fuliyeen oo ay gabayo badan ka sameeyeen.

5/27/2012 5:34 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamani ay qeyb ka yihiin ciidamadii dhawaan lagala wareegay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

5/27/2012 5:30 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 9,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedyada Muqdisho oo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ku qabsadeen degmada Afgooye.

5/27/2012 5:14 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa uga digay askarta dowladda inay dhibaateeyaan dadka shacab ah iyo hantidooda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

5/27/2012 2:52 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo xalay ka kala dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab.

5/27/2012 2:25 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

5/27/2012 2:23 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Tarato oo hoostada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.