4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo si Nabadgelyo ah kula Wareegay Deegaanka Tarato oo Hoostaga Degmada Baardheere

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Tarato oo hoostada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Deegaanka Tarato waxaa hore gacanta ugu arimin jiray xoogagga Al-shabaab, waxaana wararku sheegayaan in xoogaggii Al-shabaab ay faarujiyeen deegaankaasi kaddib markii ay ka warheleen duulaan uga soo wajahan dhanka ciidmada dowladda iyo kuwa Kenya.

Saraakiisha dowladda oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in ujeedadooda ay tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degmada Baardheere iyagoona sheegay in maalmaha fooda nagu soo hayo ay weerari doonaan magaalada Baardheere oo ay ku xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaankaasi si nabadgelyo ah waxaana la sheegay in aysan jirin wax iska horimaad ah oo gudaha deegaanka ku dhexmaray labada dhinac.

Dhanka magaalada Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay usoo dhaqaaqaan dhanka magaalada Baardheere.

"Xaaladda aad ayay u kacsantahay, magaaladana waxa laga dareemayaa dhiilo dagaal," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baardheere.

Xiisadahani dagaal ee kasoo cusboonaaday gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xooggaga Al-shabaab kala wareegeen dhul ballaaran oo ku yaal duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya