4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Odayaasha-dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo Turkiga uga qaybgalaya shir Arrimaha Soomaaliya looga hadlayo

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Odoyaal-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee uu shirku uga socday Muqdisho iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ayaa maanta loo dhoofiyay dalka Turkiga halkaasoo la sheegay inay uga qaybgalayaan shir looga halayo arrimaha Soomaaliya.

Diyaaradda Turkish Airlines oo wafdigan ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale horay u sii raacay xubno ka socda hay'adaha kala duwan ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wafdigan oo casuumaad ka helay Turkiga ayaa waxaa sii sagootiyay wasiirro ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, C/samad Macallin Maxamuud iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

"Odayaasha dhaqanka oo tiradoodu ahayd 132 iyo kuwo kale oo meelo kala duwan ka baxaya ayaa waxay casuumaad ka heleen dalka Turkiga, si ay uga qaybgalaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Mudane C/samad wuxuu hadalkiisa ku daray inaysan la socon dowladdu xubnaha ka socda bulshada rayidka ah ee lagu casuumay shirka, isagoo xusay inaysan doonayn inay faraha la galaan arrimo ay dowladda Turkigu wadato.

Xubnihii maanta loo qaaday dalka Turkiga oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan ogeyn ajandaha ay kaga hadli doonaan shirka ay uga qayb-galayaan dalka Turkiga, balse markii ay tagaan ay arki doonaan.

Wasiirka warshadaha iyo ganacsiga DKMG ah, C/wahaab Ugaas oo isaguna ka hadlay bixitaanka wafdiga odayaaha iyo xubnaha bulshada rayidka ah isugu jiray ayaa wuxuu sheegay in Turkigu u casuumay si loo tusiyo xiriirka walaanimo ee ka dhexeeya dowladaha iyo shacabka dalalka Turkiga iyo Soomaalia.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inuu rajeynayo in safarkan uusan wax carqalad ah ku keenin soo xulidda ergooyinka 825-ka ah ee ansixin doona dastuurka cuusb ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya