4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda KMG ah, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Muqdisho

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha-biyaha oo ay gacan ku hayntiisa isku haystaan xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Dagaalka maanta oo ahaa mid culus ayaa wuxuu ciidamada iska soo horjeeda ku dhemxaray deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay tan iyo shalay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Madaafiic badan ayaa kusoo dhacday deegaanka, waxaana arkay dhimashada hal qof oo rayid ahaa iyo dhaawaca shan kale," ayuu yiri goobjooge ka mid ah dad aad u yar oo ku sugan Ceelasha-biyaha.

Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxay isku hayaan gacan ku haynta deegaannada Ceelasha-biyaha, Lafoole iyo Xaawo-Cabdi goobahaasoo ay weli ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha kala gaaray labada ciidan, iyadoo madaafiic badan ay ku garaaceen ciidamada AMISOM oo caawinaya kuwa dowladda Soomaaliya dhowr goobood oo ka tirsan deegaannada loo barakacay.

Deegaannadaas ayaanay jirin cid ku sugan, waxaana xoogagga Al-shabaab ee weli gacanta ku haya deegaannada lagu hardamayo dhinac walba ka xiga ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Dhaawacyada gaaray dadka rayidka ah ayaa lagu hayaa guryaha, iyadoo aanay jirin goob caafimaad oo loo qaadi karo, waxanaa jidka lagu dagaalamayo si teelteel ah u maraya gaadiidka sida dad barakacayaal ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya