4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Ciidamada DKMG Somalia iyo kuwa AMISOM oo u Jiheystay Dhinaca Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay saakay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Marko ee xarunta gobolka Shabellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa HOL u sheegay in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo wata gadiid dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo ay mareen jidka aada degmada Marko iyo degmooyinka kale ee gobolkaas.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa ku dhaqaaqay jidka dhinaca koonfureed kaga baxa degmada Afgooye, kaasoo taga degmooyinka Marko iyo kuwa kale ee gobolkaas kaga beegan dhinaca Koonfureed," ayuu yiri goobjooge ku sugan Afgooye.

Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa waxay iyaguna sheegeen in howlgalladu ay sii socon doonaan, waxayse ka gaabsadeen halka ay aadi doonaan kaddib degmada Afgooye, inkastoo saraakiisha qaarkood ay sheegeen inay ku dhow yihiin degmada Wanlaweyn oo 60-km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Afgooye.

"Howgalladu ma joogsanayaan illaa aan ka tagno barta noo calaameysan," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda oo aan sheegin barta u calaameysan ee ay doonayaan inay howlgalkooda ku hakiyaan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay isku urursanayaan deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Marko, inkastoo saraakiisha kooxdan aysan ka hadlin tallaabo ay qaadi doonaan kaddib ka bixitaankooda degmada Afgooye.

Degmada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay 60-km ka xigtaa dhinaca Koonfur-bari degmada Afgooye, waxayna ka mid tahay goobaha ay aadka ugu xooggan tahay Al-shabaab, inkastoo aan la ogeyn sida uu xaalkeedu noqon doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya