4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Xiisaddo ka taagan deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho iyo Qof shacab ah oo xalay lagu dilay Afgooye

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Xiisado colaadeed oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab ayaa ka tagaan deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye halkaasoo ay weli ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay shalay billaabeen inay wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye maraan, balse dagaal ay la galeen xoogag taabacsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan ayaa suurogal ka dhigi waayay inay gaaraan deegaanka Ceelasha-biyaha.

Goobjoogayaal weli ku sugan ceelasha biyaha ayaa sheegay in xoogag Al-shabaab ka tirsan ay halkaas ku sugan yihiin, sidoo kalena ay ka barakaceen dadkii horay u deggenaa.

"Xoogagga Al-shabaab waxay ku sugan yihiin Ceelasha-biyaha, Lafoole iyo Xaawo-Cabdi oo dhammaantood ah deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, cabsi weyn ayaa jirtay, waayo weli waxaa ku nool dad shacab ah," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaannadaas oo ay HOL la hadashay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay wadaan qorshe ay doonayaan inay ku tagaan degmada Afgooye oo gacanta ugu jirta dowladda iyagoo maraya jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dhanka kale, xaaladda degmada Afgooye ayaa saakay daggan kaddib markii gacan ku haynta degmadaas ay shalay gallinkii dambe si rasmi ah ula wareegeen ciidanka dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Balse dabley bastoolado wata ayaa xalay ku dilay gudaha degmadaas qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa dadka ka shaqeysta gaadiidka gobollada aada, waxaana u suurogashay kooxihii dilay inay baxsadaan, lamana oga sababta loo dilay ruuxan.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa shalay markii ay galeen degmada Afgooye waxay ku dileen qof rayid ah kaasoo la sheegay inuu isku dayay inuu soo dhaweeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku nool degmada Afgooye ayaa sheegay inay xalaaddu daggan tahay, balse aysan hadli karin, kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay ugu hanjabeen haddii ay hadlaan ama ay taageeraan dowladda inay dili doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya