4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Ciidamada DKMG ah ee Somalia iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku wajahan deegaanka ceelasha biyaha iyagoo saakay dhaafay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, halkaasoo saldhig weyn ay kul lahaayeen xoogaggii Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda ay ku sugan yihiin deegaanka KM-13 iyagoo wata qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo.

"Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo soo maray jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa soo gaaray deegaanka KM-13, waxaana muuqda isbedel," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaankaas oo sababo amni awgood u qariyay magaciisa.

Goobjoogahan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay waddada isku dhereriyeen iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo dhacaysa, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa goobahaas ay ku sugan yihiin deegaanka KM-15 ama Siinka-dheer.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay dhinaca howdka ka marayaan deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho, waxayna saraakiisha hoggaaminaya sheegeen inay ku wajahan yihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho oo shalay gallinkii dambe xirmay ayaa saakay dib u furmay iyadoo halkaas ay ku qulqulayaa qoysas fara badan oo deegaannadaas ku noola.

Deegaannada duleedka Muqdisho ku yaalla ayaa waxaa ka barakacaya dadkii yaraa ee ku noolaa, iyadoo ay halkaas ku dhacayaan madaafiicda ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM tuurayaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya