4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Kooxo hubeysan oo Xalay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ku toogtay Mid ka mid ah Malaaqyada Digil iyo Mirifle

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Kooxo xalay fiidkii ku toogtay xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo malaaq Cabdoow Yoonis oo ka mid ah malaaqyada Digil iyo Mirifle ee sida weyn looga yaqaan degmada gobollada Bay iyo Bakool.

Toogashada malaaqa ayaa timid xilli uu kusii socday gurigiisa, waxaana dilkiisa geystay dhallinyaro ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo meesha ka baxsaday, waxaana qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda ee degmadaas ku sugan ay ku eedeeyeen dilkan Xarakada Al-shabaab.

Malaaqa la dilay ayaa sheegay inuu dhawaanahan ku howlanaa shirar nabadeedyo uu la qaadanayay xubnaha dowladda KMG ah ee ku sugan Baydhabo iyo wafdiyo uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka oo dhowr jeer degmadaas booqday.

Ciidamada dowladda KMG ah oo gaaray goobta lagu dilay malaaq Cabdiyoow ayaa sameeyay baaritaanno ku aaddan ciddii ka dambeysay dilkiisa, balse ma jirto cid loo qabtay dilka maqaalahan.

Waa qofkii tobanaad oo kooxo hubeysan ay ku dilaan degmada Baydhabo tan iyo markii ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen gacan ku haynta degmadaas xoogag Xarakada Al-shabaab oo sannado ka talinayay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa horay loogu dilay dad badan oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii maamulka gobolka Bay ee xaafadda Bardaale, kaasoo la sheegay in la qabtay ruuxii dilkiisa geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya