9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Dagaal Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Xarakada Al-shabaab ku dhaxmaray Deegaanka Goobo ee Degmada Maxaas

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamul gobollka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii aynu soo dhaafnay deegaanno hoos taga degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan gaar ahaan deegaannka Goobo ku dhaxmaray ciidamada maamulka iyo xoogagga Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada Axmed Inji oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dagaallku bilaawday kadib markii ay ciidamo ka tirsan maamulka ku baxeen sida uu hadalka u dhigay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dad doonayay in ay xoolo ka qaatay dadka reer Miyiga.

"Markii ay ka war heleen arintaa iyada ah, ayeey ciidamadu ku baxeen, waxaana halkaa ka dhacay dagaall culus, waxaan dilnay 11 ka mid ah xoogagga Al-shabaab, hubkii ay ku dagaallamayeen qaar ka mid ahna waa ka furanay,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa kaloo uu sheegay in ciidamada maamulka ee hadda gacanta ku haya degmada Maxaas u tagan yihiin bad-baadada dadka rayid ah gaar ahaan reer Miyiga oo soo maray ayuu yiri cadaadis adag oo kala kulmayeen xoogagii horay u maamulayay deegaannadaas.

Marka laga soo tago sheegashada dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha xoogagga Al-shabaab oo ku aadan dagaallka la sheegay in labada dhinac uu ku dhaxmaray qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya













Click here
5/20/2012 6:39 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Wafdi ay hogaaminayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh aadan ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

5/20/2012 6:35 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Saddex askarta ciidamada DKMG ah ka tirsan ayaa ku dhaawacmay laba qarax oo baqonimadii maanta ka dhacay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

5/20/2012 6:26 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ardayda barata kuliyadda Kalkaaliyenimada (Nurse) ee wax ka barata Jaamacadda Jubba University ayaa maanta u fariisatay imtixaankii Finalka ee lagu soo gababeynayo sanadkii labaad ee Kuliyadda Nurse-siga.

5/20/2012 6:06 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qabailsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inuu aad uga walaacay dagaalkii Hargeysa ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka shacabka ah, kaasoo dhaliyay khasaaraha nafeed.

5/20/2012 3:17 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo u badan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax miino oo shalay ka dhacya duleedka degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

5/20/2012 3:16 AM EST
Axad, May 20, 2012 (HOL) — Dagaal iyo duqeyn diyaaradeed oo shalya oo Sabti ah ka dhacday dalka Yemen ayaa lagu dilay 36-qof oo uu ku jiro dagaalyahan Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay xoogagga Al-Qaacida ee dalka Yemen.