4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Ardayda Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo oo Fariisatay Imtixaankii ugu dambeeyay Sannadkan

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ardayda barata kuliyadda Kalkaaliyenimada (Nurse) ee wax ka barata Jaamacadda Jubba University ayaa maanta u fariisatay imtixaankii Finalka ee lagu soo gababeynayo sanadkii labaad ee Kuliyadda Nurse-siga.

Ardaydani maanta u fariisatay Imtixaanaadka ayaa ah ardeydii lagu furay Jaamacadda, waxayna mudo laba sano ah baranayeen Culuumta Kalkaaliyenimada (Nurse), iyadoona Jaamacaddu ay bixiso kuliyado kala duwan.

Maamulaha Jaamacadda Lower Jubba University Siraaje Aadan Max’ed oo ay HOL ka wareysatay Jaamacadda ayaa sheegay in maanta ardeydii ugu horeeysay ay u fariisanayaan imtixaankii ugu danbeeyay ee sanadka, wuxuuna sheegay in jaamacaddu dib loo furi doono 1-da Aug, 2012.

"Daraasadu waxay dib u bilaaban doontaa haduu Alle idmo 01-08-2012, taas oo qeybkasta oo Jaamacadda kamid ah la furi doono, inta ka horeysana waxaa socdo Admision-kii ama qabuulkii," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Maamulaha ayaa sheegay in ardayda imtixaanka u fadhido ay u diri doonaan tuulooyinka ku teedsan magaalada Kismaayo halkaasuu uu sheegay in ay kasoo fulin doonaaan adeegyo caafimaad.

Mar aan wax ka weydinay cida ay jaamacaddu ku tiirsantahay xaga dhaqaalaha ayuu yiri: "Ilaa iyo hadda ma jirto cid kale oo ay ku tiirsantahay Jaamacadda ama ay gacan ka hesho, waxay ku socotaa waxa yar ee laga qaado ardeyda."

Sidoo kale maamulaha ayaa sheegay in macalimiinta wax ka dhigto Jaamacadda ay aqoontooda aad u sareeyso, isagoona xusay in macalimiintu ay isugu jiraan kuwo wax ku soo bartay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Jaamacadda Lower Jubba University ayaa kamid ah Jaamacadaha ka howgala gobolka Jubada Hoose, waxaana jaamacadani wax ka barta arday badan oo ka kala timid gobollada Jubada Hoose iyo jubada Dhexe, waxaana jaamcadani ay bixisaa kuliyado kala duwan oo ay kamid yihiin kuliyadda Kaalkaalinima (Nurse), Farsamada Sheybaarka (Lab Technician) iyo kuliyad lagu barto umuliso-nimada (Midwifery)

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya