Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa saakay ku waabariisatay Bandow galinkii danbe ee shalay ku soo rogeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca kaddib weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay.
Mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in Bandowga lagu soo rogay degmada Dhuusa-mareeb uu ahaa mid lagu xaqiinayo amaanka degmada, iyadoo la mamnuucay isku socodka dadka iyo gadiidka.
Maalintii shalay galinkii danbe ayaa qof naftiis hure ah waxaa uu weerar ku qaaday goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo rag siyaasiyiin ah oo maalmihii ugu danbeeyayba socdaal ku marayay qeybo ka mid ah gobollada dhexe, waxaana weerarkaa ku naf-waayay Shan ruux oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Yuusuf Mirre Seeraar iyo xildhibaan C/wali Shiikh Max’ed Aw- Max’uud.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo horkacayay wafdiga ama mas’uuliyiinta maalintii shalay weerarka lagu qaaday, waxaana sidoo kale halkaa iyagana ku dhaawacmay xildhibaan Gen C/risaaq Isaaq Biixi iyo xildhibaan Xusseen Samatar.
Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo goob-joog u ahaa dhacdadii shalay ayaa sheegay in uu arkayay qof weerarka Ismiidaaminta ah geystay ka hor inta uusan is qarxin.
"Anniga waxaa ay Idhaheygu qabteen wiil dhalinyarro ah oo laamiga soo goynaya, dhinaceena ayuu u soo dhaqaaqay, waxaa uu afka ku sitay Khaad, meel aan naga fogeyn ayuu soo istaagay, kadibna waxaan ka war-helay isaga oo mar kaliya ku dhawaaqaya Allaahu Akbar qaraxa ayaana dhacay," ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Waxaa uu intaa ku darray xildhibaanka in maanta la aasayo mudanayaashii baarlamaanka iyo dadkii kale ee ku dhintay weerarkaas, waxaana uu amaan u soo jeediyay ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo uu sheegay in ay ku dadaalayeen sugida amaanka kadib markii uu qaraxu dhacay.
Dadka ku dhaqan degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in weerarka ka dhacay shalay degmada Dhuusa-mareeb uu ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhacay degmada, maadaama ay markii hore dhagta uun ka maqli jireen weerarada noocaas oo kale ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Badow xalay ka dhaqan galay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud kaddib Ismiidaamintii shalay ka dhacay
More News
- Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya halka uu ka yimid qofkii isku qarxiyay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dalka Uganda uga qaybgalay shir looga hadlay Horumarinta Magaalada Muqdisho
- AXMED CABDISALAAN: "Dhaawacaygu ma ahan mid macno leh, waxaana dib ugu soo laabanayaa Gobollada Dhexe"
- Doorashada Duqa Magaalada iyo Golaha Degaanka ee London (UK)
- Malaaqyadii Gobollada Bay iyo Bakool uga qaybgeli lahaa shirka Ansixinta Dastuurka oo qaarkood Muqdisho la keenay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DKMG ahna Wasiirka Beeraha Soomaaliya
- Hay’adda UNICEF oo Sheegtay in Kumannaan Caruur Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin Xaaladda Nololeed oo khatar ah
- Taliye cusub oo Maanta si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan
- Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Nairobi oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Danjire Cali Ameeriko (DAAWO SAWIRRO)
- Dhaawacyada Toddoba ruux oo ay ka mid ahaayeen Axmed C/salaan iyo Xildhibaan Xuseen Samatar oo la geeyay Addis Ababa
- Wafdi ka socda xisbiga Xisbiga Hiil Qaran oo Booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Haweenka kala hadlay Ansixinta Dastuurka, Dhismaha Baarlamaanka iyo Hirgelinta Roadmap-ka
- Al-shabaab oo sheegatay in Qaraxii ka dhacay Dhuuso-mareeb iyo faahfaahin kasoo baxaysa khasaarihii ka dhashay
- Xildhibaannadii ku dhaawacmay Qaraxii Dhuusomareeb oo loo qaadayo dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo