4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Shir looga hadlayo Dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo Isniinta ka Furmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa ka furmo shir looga hadlayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay Puntland ka cabatay iyadoo shirkaas ay ka qaybgeli doonaan dhammaan saxiixayaashii heshiiska tubta nabadda (Roadmap).

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya dowladda KMG ah, Puntland, Ahlusunna iyo Galmudug oo dhammaantood ahaa saxiixayaasha heshiiska ay looga baxayo xilliga KMG ah looguna gudbayo dowlad dhameystiran.

"Kulanka waxaa martiqaadkiisa leh Qaramada Midoobay, dowladda Itoobiyana way marti-gelinaysaa, waxaana looga hadlayaa dastuurka laba casho inuu socdo ayaana loogu talogalay," ayuu BBC-da u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu jeexjeexi doonaa qodobbada dastuurka ee la isku hayo, iyadoo markaas kaddibna heshiis lagu gaari doono in dastuurka la meel-mariyo, iyadoo tani ay noqonayso caqabadii ugu adkeyd ee uu dastuurku la kulmo.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa sheegay in illaa hadda ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa wafdiga ka socda Puntland oo uu horkacayo madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo dalbaday in shirkan la qabto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa isna lagu wadaa inuu berri tago Addis Ababa, iyadoo shirkan kaddib dastuurka loo gudbin doono ergooyinkii loogu talogalay inay ansixiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya